Real Madrid oo Dalab Cusub oo Xambaarsan Lacag Badan u Bandhigtay Kylian Mbappe

0
315

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dalab lacag badan oo mushaharooyin ah xambaarsan u bandhigtay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, kaas oo sidoo kale ay miiska u saaran yihiin heshiis cusub oo PSG ay waqti hore usoo gudbisay oo laba sannadood ah, kuwaas oo uu ku heli doono lacag gaadhaysa £125 milyan oo Gini.

Kylian Mbappe ayaa la sheegay in aanu Real Madrid wax jawaab ah siinin, isla markaana ka fiirsanayo wax uu ka yeelato arrintan, waxaana uu si deggan go’aan uga qaadanayaa mustaqbalkiisa iyadoo ay jirto suurtogalnimada ah in uu sii joogo laba sannadood oo uu lacagta badan ee PSG aqbalo.

23 jirkan oo qandaraaskiisa Parc des Princes uu ku egyahay bisha June ee sannadkan, ayaa waxa uu hadda xor u yahay inuu wada-xaajood la galo kooxaha dibedda oo uu xataa heshiis hordhac ah usii saxeexi karo.

Real Madrid ayaa in muddo ah si weyn loola xidhiidhinayey Mbappe, waxaanay illaa hadda rajo ka qabtaa in ay mustaqbalka dhow gacanta ku dhigi doonto xiddigan oo uu ka ciyaari doono Santiago Bernabeu.

Kylian Mbappe ayaa wariyeyaasha u sheegay kaddib ciyaartii ay kooxdiisu 5-1 ku karbaashtay Lorient Axaddii toddobaadkan, in ay jiraan waxyaabo cusub oo go’aamin doona kooxda uu u ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.

Wariyaha reer Spain ee Guillem Balague ayaa waxyaabaha cusub ee uu Mbappe sheegay ku tilmaamay heshiiska lacagta badan ee Paris Saint-Germain ay usoo bandhigtay oo laba sannadood oo kaliya kusii hayn doona Parc des Princes, hase yeeshee Real Madrid ayaa uu ka filayaa in ay la timaaddo lacag ka badan inta Paris Saint-Germain ay u bandhigtay oo ah £125 milyan oo Gini iyo laba sannadood.

Balague waxa uu intaa ku daray, in Mbappe oo 209 ciyaarood oo uu u saftay PSG u dhaliyey 160 gool, 80 kalena caawiye ka noqday, in uu door-bidayo inuu tago Santiago Bernabeu oo uu xilli ciyaareedka dambe ka dheelo, taas oo ka farxinaysa Florentino Perez oo waqti badan ku bixiyey sidii uu 23 jirkan u keeni lahaa Real Madrid.

PSG iyo Real Madrid ayaa ah labada kooxood ee kaliya ee ku tartamaya saxeexa Kylian Mbappe, labadooda ayaanu midkood u dheeli doonaa xilli ciyaareedka soo socda.

Leave a Reply