Labo nin oo lagu eedaynayo in si qaldan ay xidhiidh ula sameeyeen Ilaalada Aqalka Cad oo la xidhay

0
259

Washington DC. (Dawan) Laba nin oo lagu xidhay Washignton DC ayaa lagu eedeeyey inay iska dhigeen saraakiil ka tirsan waaxda amniga gudaha Maraykanka, si ay xog uga helaan saraakiil ka tirsan Ciidanka ilaalada aqalka Cad ee Maraykanka ee loo yaqaano Secret Service, ciidankaas oo ah kan ilaaliya madaxweyne Joe Biden iyo madaxda kale ee Maraykanka.

Dacwad-oogaha gacanta ku haya kiiskan ayaa sheegay in mid ka mida labada nin ee la xidhay uu si gaar ah xidhiidh ula leeyahay hay’adda sirdoonka ee dalka Pakistan ee loo yaqaano ISI.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Joshua Rothstein ayaa weydiistay garsooraha maxkamadda dacwaddani ka socoto, inaan la sii dayn Arian Taherzadeh oo 40 jir ah iyo Haider Ali oo 35 jir ah, iyada oo lagu eedaynayo labadan nin inay iska dhigeen baadhayaal ka tirsan waaxda amniga gudaha ee Maraykanka.

Labadan nin ee la xidhay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay siiyeen hadyado qaali ah iyo alaabooyin kale, xubno ka tirsan ciidanka ilaalada aqalka cad ee Secret Service-ka, waxaana saraakiisha ay xidhiidhka la sameeyeen ku jiray mid ka mida saraakiisha u xilsaaran ammaanka marwada koowaad ee Jill Biden.

Leave a Reply