“Waan boggaadinaynnaa in xukuumadda Deegaanka Soomaalidu xoogga saarto dhinaca wax-soo-saarka beeraha”,Ito Takako, safiirka waddanka Japan.

0
381

Jig-jiga (Dawan) Hoggaanka xafiiska nabadgelyada DDS, ahna ku-simaha madaxweynaha, mudane Mubashir Dibbad Raage, oo ay weheliyaan masuuliyiin heer deegaan ah ayaa madaxtooyada DDS, ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso marwo Ito Takako, safiirka waddanka Japan.

Wafdiga waxaa war-bixin laga siiyay xaaladda guud ee abaarta Deegaanka iyo siyaabihii ay xukuumaddu ula tacaashay bulshada.

Waxaanu yidhi Mubashir Dibbad.”Marka la eego baaxadda abaarta daran ee saamaysay bulshada deegaanka iyo sida aanay cidna ugu dhiman waxaa ku caddaanaysa juhdiga iyo dadaalka ay bixisay xukuumadda Deegaanka Soomaalidu”

Marwo Ito Takako ayaa sheegtay in dowladdu ay muujisay ka-go’naanshiyo iyo waxqabad muuqda oo ku wajahan dhinaca ka-jawaabista abaaraha, dalka Japan

Waxaanay tidhi “Waan boggaadinaynnaa in xukuumadda deegaanka Soomaalidu xoogga saarto dhinaca wax-soo-saarka beeraha”,

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 2 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 2 people, people sitting, wrist watch, suit and indoorMay be an image of 2 people, people sitting and indoorMay be an image of 3 people, people sitting, wrist watch, suit and indoorMay be an image of 1 person, sitting, suit and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoor

Leave a Reply