Guddida Qaran ee gurmadka Suuqa Waaheen ayaa lacag ka Guddoomay taliska ciidanka Qaranka Somaliland

0
1131

Hargeysa (Dawan) Guddida Qaran ee gurmarka suuqa Waaheen, ayaa   lacageed oo ay kaga qayb qadanayaan taakulaynta suuqa Waaheen ka guddoomiay talista ciidanka Qaranka Somaliland.

Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa maanta qaadhan lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaan, gurmadka masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, ku wareejiyay guddida heer Qaran ee gurmadka suuqa Waaheen.

Munaasibada lacagtan ay ku wareejinayeen ciidanku oo ka qabsoontay xarunta Miiska Saraakiisha, waxa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland, saraakiisha ciidankaaasi iyo guddida gurmadka suuqa Waaheen.

Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen ay ahayd masiibo Qaran oo waddanka oo dhan saameysay, waxaanu tilmaamay iyaga oo taas garwaaqsan ay ka ciidan ahaan ugu tallo galeen in ay masiibadaasi kaga qayb qaataan gurmadkeeda, lacag dhan lix iyo afartan kun toddoba boqol iyo saddex iyo konton dollar.

waxaanu yiddhi taliye Taani.“Masiibadan inagu dhacday bisha Ramadaan horaanteedii, dhab ahaantii dad badan ayaa ku caydhoobay, oo reer Somaliland ah, waxaanay ahayd meeshi hantideena badani ay taalay, anaga ka ciidan ahaan waxa nalaga masruufa cashuurta dadka baayac mushtarka ah, dadkiina waa dadkaasi dhibaatadu ku dhacday.

ILLAAHEY ayaa cawil khayr qaba ina siin doona, anaga ka ciidan ahaan idinka oo xaalkayagaba og anaga oo ka qayb qaadanayna qaadhanka la ururinayo, waxaanu iska jarnay saddex boqol iyo sagaashan iyo toddoba milyan iyo afar boqol oo kun oo u dhiganta afartan iyo lixkun oo dollar toddoba boqol iyo konton iyo saddex.

Lacagtaasi ayaanu wasiir doonayna in aanu guddidiina aanu guddoonsiino, oo aad naga guddoontaan.”

Dhankooda guddida gurmadka suuqa Waaheen oo uu ku hadlayay afkooda wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaaftu ayaa ciidamada Qaranka uga mahad celiyay gacanta ay ka gaysteen, dib u xoolaynta loogu jiro dadkii hantooda ku waayay dabkii ka qarxay suuqa Waaheen.

Leave a Reply