Ramadaan : Bil Ducada La Aqbalo!

0
619

Bisha Khayrka badan ee Ramadaan waa in aynu Allah ugu mahad celino gaadhsiinta bishan uu ina soo gaadhsiiyay.

Rasuulka Allah (scw) wuu ugu bushaarayn jiray saxaabadiisa bilashada Ramadaanka.  Waxayna ku camari jireen cibaado badan. Imaamu Dabari, wuxu yidhi :  Rasuulku (scw) markay soo gasho bisha Rajab wuxu odhan jiray “Allaw noo barakee bisha Rajab iyo Shacbaan, waxaana aad na gaadhsiisaa Ramadaan-ka”.

Caa’isha (Rc)  waxay tidhi :” Rasuulka Allah dadaalka Cibaadada wuu si laban laabi jiray bisha Ramadaanka “

Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad,  ka werinayo Abuu Hureyra (Rc) wuxuu ku yidhi:” Rasuulka Allah (scw) ayaa yidhi : ”  Waxaa idiin yimid bishii Ramadaan, wuxuu Allah (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan, bishaas waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xidhaa albaabada Naarta, waxaa la xidhaa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeen.  Ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay”.

Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyrkeeda.  Waana bil ducada adoonka wanaagsan Allah (sw) aqblo.

Leave a Reply