“Waxaanu Codsanaynaa In Bacadka iyo Dooxa Nalaga Raro” Hooyo Khadra By:Sagal Filibiin

0
625

Dabkii xooganaa ee dhawaanta ka kacay suuqii waynaa ee Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa waxa saamayn wayn ku yeeshay guud ahaan ganacsigii iyo dhaqaalihii dalka gaar ahaan waxa uu si wayn u saameeyey dadkii danyarta ahaa ee ka ganacsan jiray suuqaas iyo kumanaan kale oo ku dhex noolaa dadka shaqaysta oo siyaabo kala duwan uga dhex xoogsan jiray suuqa Waaheen balse hada dhamaantoodba dibed meer ah oo aan xataa heli Karin wax ay caruurtooda ku quudiyaan.

Hadaba in kasta oo ay socdaa da,daalo badan oo loogu jiro sidii dadka dan yarta ah wax loo gaadhsiin lahaa oo ay wadaan dawlada ganacsatada waawayn iyo muwaadiniin kala duwani hadana waxa jira duruufo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin oo ka dhashay gubashadii Waaheen iyo duruufaha kale ee ka jira Somaliland

Haweenka ayaa sidoo kale ah kuwo had iyo jeer u nugul dhibaatooyinka jira maadaama oo inta badan qoysaskeena ay gacanta ku hayaan hooyooyin la tacaalaya sidii ay u kafayn lahaayeen baahiyaha kala duwan ee reerahooda, hada xiligan adag ee aynu joogno waxa aanu isku daynay u kuur galnay xaalada ay ku sugan yihiin hooyooyin badan oo ka mida kuwa uu saamaynta ku yeeshay ama ku bara kacay dabkii Waaheen

hooyooyinkaa ayaa tidhi mar ay la hadlaysa Barnaamijka Arrimaha Bulshada Wargeysa Dawannews “Halkan aanu imika fadhinaa waa Dooxii Hargeysa danta ayaa na keentay sababta oo ah dhulkii aanu ku ganacsanaynay waakii gubtay waxaan ka mid ahaa Haweenka Hilibka ka ganacsanayey ee masuubadaasi soo baro kicisay, markaa imika waxaanu fadhinaa bacadkan aad aragtan waxaanu halis ugu jirnaa inuu daadku na qaado maadama oo aanu fadhino dooxii xili Roobaadkiina lagu guda jiro” waxaan ka codsanaynaa Dawlada, Ganacsatada iyo Cid kasta oo noo soo gurman karta in naloosoo gurmado oo meeshan nalaga raro”.

Sidoo kale hooyo iyana la hadashay Dawan oo magaceeda ku sheegtay khadra ayaa tidhi “waxaanu nahay maati ku ganacsanaysay Suuqa Waaheen oo wadhato ah daladahan jeex jeexan ee aad arkayso xataa waxa nalagaga kireeyaa Toban toban kun tii haysata ayaa kiraysata tii kalena waa taa aad arkaysaan ee bacadka fadhida, markaa waxaanu leenahay dadka meel hala geeyo intii dabka ka hadhayna daadka ayaa qaadaaya hadii Roob yimaadeen, dabku saamayn xoogan ayuu nagu yeeshay oo markii hore dee hadh ayaanu haysanay maantana bacadkaa ayaanu fadhinaa sidoo kale dee macaamiishii ayaanu kala lunay oo maanta halkan aanu fadhino cidba noogu iman mayso xataa kuwii aanu daynta kulahayn waanu is waynay.”

Ugu dambayn Haweenka ku ganacsan jiray suuqa Waaheen ee ay saamaysay masiibadii dabka ahayd ayaa ku baaqay in si deg deg ah ay u helaan goobo ay ku sii ganacsadaan inta laga dhisaayo suuqa gubtay sidoo kale waxa ay u mahad celiyeen cid kasta oo ku hawlan gacan siinta iyo caawimada dadka dan yarta ah iyo dadka baahan ee u baahan in loo gar gaaro iyaga intaa ku daray in ay maanta tahay maalintii si guud iyo si gaaraba loo garab is taagi lahaa danyarta somaliland.

Qaybta 2.aad

Iska jir todobadan arrimood oo aan habboonayn inaad sameyso kadib markaad wax cuntid.  Waxyabaasi waa qaar keeni kara caafimaad darro haddii aad sameyso wax yar kadib cuntada gaar ahaan xilliyada cuntada culus (sida quraacda, qadada ama cashada).

ha cabbin SHAAH cutada kadib. Maxaa yeelay? Shaahu wuxu leeyahay Aysidh (acidic). Markaa haddii shaaha la cabbo cuntada dabadeed, waxaa dhacda in Borotiinka (proteins) aynu quudanno uu ku dhib ku noqdo dheefshiidka, waayo Borotiinka ayaa noqda mid qallafsan oo adag. Sida awgeed waxa wacan in ugu yaraan saacad cuntada kadib shaaha la cabbo.

Ha cunin khudaarta/midhaha (fruits) isla marka aad cuntayso kadib. Dhakhaatiirtu waxay dadka kula dardaarmaan inay khudaarta cunaan, waxayse had iyo jeer iloobaan in ay u sheegaan oo talada ay u raaciyaan waxyeelada caafimaad ee ay leedahay haddii cuntada kadib la cuno. Waxa habboon in khudradda la cuno cuntada horteed. Haddii khudradda (marka laga reebo Timirta iyo Muuska) la cuno kadib marka la cunteeyo waxay taasi gaas ku sameysaa caloosha . Sidaa daraadeed waxa habboon in khudaarta muddo saacad ah ama in ka badan laga dambaysiiyo cuntada.

ha cabbin SIGAAR kadib marka aad cuntayso.  Shaki kuma jiro in sigaarku marwalba uu caafimaadka waxyeelo u leeyahay, laakiin haddii aad Sigaar cabto cuntada dabadeed, xabadda qudha ee sigaarka ahi  waxay la waxyeelo tahay oo ay u dhigantaa 10  xabbadood oo sigaar ah. Sidaa awgeed haddii aad sigaar cabtid cuntada kadib waxa sii kordha oo laba jibbaarma halista aad ugu jirto inuu kugu dhici karo xanuunka Kansarku.

Ha SEEXAN cuntada dabadeed. Maxaa yeelay? Nafaqooyinkii ku jiray cuntadu ma helayaan dheefshiid wanaagsan. Haddii aad toos u tagto sariirta cuntada kadib, taasi waxay kuu keeni kartaa boog-calooleed (stomach ulcers) iyo infakshan xiidmaha ku dhaca (intestinal infections). Hurdada degdega ah ee xilligaa cuntada kadib waxay kaloo sababtaa miisaankaaga oo cuslaada ama buurni xad-dhaaf ah (Obesity). Wax kaloo  aad samaysaba, ( ha ahaato inaad Tv-ga daawato, inaad wax akhristo ama  inaad asxaabtaad la sheekaysataba), laakiin fadlan marna ha seexan (inta cuntadu kugu jabayso) ilaa 2 saacadood kadib

ha MAYDHANIN (ha Qubaysan) cuntada dabadeed, Waayo? haddii aad maydhato cuntada kadib, taasi waxay kordhisaa socodka dhiigga ee gacmaha iyo lugaha taasoo keenta inuu is dhimo socodka dhiigga ag-agaarka calooshu, kadibna uu daciifo habka dheefshiidku. Waxaa kale oo taasi sababi kartaa xannuunada ku dhaca wadnaha. Sida habbooni waa in  maydhashada aad sugto muddo 30 daqiiqadood ah kadib marka aad cunteyso.

Ha iska dabcin ama ha furin SUUNKA cuntada dabadeed. Iska-dabcinta suunku waa astaan muujinaysa in aad  dhereg xad-dhaaf ah sameysay, taasina wax fiican ma aha. Waxa habboon in marka horeba aad cunto in kugu filan oo aan u baahnay inaad marka dambe suunka iska furto. Iska dabcinta suunku waxay xiidmaha ku keenaysaa majiirid ama maroojin iyo xannibaad.

Ha sameyn DHAQDHAQAAQ  badan cuntada dabadeed.  Haddi aad samayso Dhaqdhaqaaq aad u badan, sida socod, orod iyo ciyaarta , waxay taasi sababaysaa in nafaqooyinkii  uu xiidmuhu si fiican u nuugi kari waayo. Waxa dardaaran ah in ugu yaraan 30 daqiiqo aanad dhaqdhaqaaq noocaas ah sameynin.  Waadse samayn kartaa socod ama jimicsi ugu yaran  saacad kadib, waana arrin caafimaadka u fiican sidaasi.

 

Leave a Reply