Caqabado haysta dhuunta ugu dheer dunida ee qaadda shidaalka diiran oo laga dhisayo Bariga Afrika

0
300

MOMBASA, KENYA (Dawan) — Kooxaha u dhaqdhaqaaqa deegaanka iyo cimilada ayaa ka hor yimi qorshaha lagu dhisayo dhuun shidaal oo aad u dheer oo isaga kala gudbaysa dalal ku yaalla Bariga Afrika. Dhuuntan ayaa shidaalka ka soo qaadaysa goobaha shidaalka laga qodo ee Hoima ee dalka Uganda illaa laga gaadhayo magaalo xeebeedda Tanga ee ku taalla dalka Tanzania.

Mashruuca lagu dhisayo dhuuntan shidaal ayaa ku kacaya illaa 5 billion oo dollar, waxaana dhererkeedu noqonayaa illaa 1,443 KM, taas oo ka dhigaysa inay tahay dhuunta ugu dheer dunida ee qaadda saliidda diirran.

Kooxaha ka soo horjeeda mashruucan ayaa ku doodaya in mashruucani uu barakicinayo kumanaan qoys, halka laga yaabo inuu waxyeello u geysto bedqabka biyaha harada Victoria iyo webiga Nile.

Vanessa Nakate and Hilda Nakabuye oo u dhaqdhaqaaqa cimilada ayaa ku booriyey baananka iyo shirkadaha caymisku inaanay taageerin mashruucan, iyaga oo ku eedaynaya inuu halis ku yahay deegaanka.

Toddobaadkan u dambeeyey waxaa mashruucan faraha kala baxday shirkadda caymiska ee Allianz Group kuwaas oo ku biiray illaa 15 bangi iyo 7 shirkadood oo kuwa caymiska oo mar horeba diiday inay maalgashi ku sameeyaan mashruucan, ka dib markii olole xooggan ay gadheen kooxaha u dhaqdhaqaaqa deegaanka oo ay hoggaamiyaan kooxda caalamiga ah ee la baxday 350.org

Hase ahaatee shirkadda qaranka ee dalka Shiinaha iyo shirkadda Total eel aga leeyahay dalka Faransiiska oo ay wehelinayaan shirkadaha shidaalka qaabilsan ee dalalka Tanzania iyo Uganda ayaa weli ku adkaysanaya inay sii wadaan mashruucan oo la filayo inuu bilaabo dhoofinta saliidda marka la gaadho sannadka 2025.

AP

Leave a Reply