Real Madrid oo ku Riyoonaysa inay ku Guuleysato Champions League-gii ugu Qaalisanaa Taariikhda

0
307

Haddii Real Madrid ay ku guuleysato tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2021/22, waxa uu noqon doonaa koobkii ugu qaalisanaa ee ay abid ku guuleysato marka laga eego dhinaca isboortiga, waxaanu uga qiimo badnaan doonaa dhamaan 13kii koob ee Champions League ahaa ee ay hore ugu soo guuleysatay.

Los Blancos ayaa usoo gudubtay wareegga semi-finalka Champions League, waxaanay u dagaallamaysaa inay hanato koobkan oo saddex sannadood aanay qaadin, laakiin tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ay afar jeer oo saddex ka mid ahi isku xigeen ay hanatay.

Macno weyn ayuu koobkani u samaynayaa Real Madrid, sida uu qoray wargeyska Marca, waxaanay tahay mid la xidhiidha dhinaca ciyaaraha, iyada oo kooxdu halgan kula  jirta naadiyo ay dawlado leeyihiin.

Wareeggii 16ka waxay Real Madrid kusoo reebtay PSG oo ay leedahay dawladda Qatar, kaddibna waxay daadka raacisay Chelsea oo uu leeyahay maalqabeenka Ruushka ee Roman Abramovich iyo ugu dambayntii oo ay waajahayso Manchester City oo ay leeyihiin qoyska maamulka Abu Dhubai ee sidoo kalena xukuma Imaaraadka Carabta.

Waa saddex kooxood oo ku fadhiya dhaqaalaha Qatar, Russia iyo Abu Dhubai, isla markaana aanay macno badan la lahayn inay lacag ku kharash gareeyaan ciyaartoyda ay doonayaan.

Transfermarkt ayaa xogtii ugu dambaysay ee suuqa waxay ku sheegtay, in Manchester City ay suuqa gelisay oo ay ciyaartooyo kusoo iibsatay lacag gaadhaysa 1.52 bilyan oo Euro, waxaanay lacagtaas isticmaashay laga soo bilaabo sannadkii 2008, taas oo ka dhigan in 14 sannadood ay lacagta intaas le’eg ciyaartooyo ku kharash garayasay. Sidoo kale, Chelsea ayaa 1.1 bilyan oo Euro ciyaartooyo ku bixisay, halka PSG ay ciyaartooyo ku iibsatay 950 milyan oo Euro. Real Madrid oo muddo dheer ahayd kooxda ugu qanisan kubadda cagta waxay ku jirtaa kaalinta lixaad ee liiska kooxaha lacagta ugu badan suuqa geliyey, waxaanay ciyaartooyo ku iibsatay 939 milyan oo Euro.

Xiddigaha ay ku hubaysnayd Paris Saint-Germain oo ay Real Madrid ku reebtay wareegga 16ka

Kooxda Faransiiska oo haysata ciyaartooyo ay ka mid yihiin Kylian Mbappe, Lionel Messi iyo Neymar waxay Real Madrid ku kulmeen wareeggii 16ka, waxaana guuleysatay Real Madrid.

Dawladda Qatar ayaa sannadkii 2012kii iibsatay kooxdan iyadoo waqtigaas kaliya haysatay laba horyaal oo Ligue 1 ah iyo hal koob oo Cup Winners’ Cup ah, hase yeeshee waxay intii ay qoyska reer Qatar maamulayeen ay hanteen toddoba horyaal iyo lix French Cup.

Sannadkii 2020 ayay ugu dhowaayeen inay ku guuleystaan Champions League, waxaanay soo gaadheen finalka oo ay ku garaacday Bayern Munich oo koobka ka qaadday.

Roman Abramovich iyo isbeddelkii uu sameeyey

Chelsea waxay ka mid tahay saddexda kooxood ee Ingiriiska ah ee ku guuleystay Chhampions League. Sannadkii 2012kii ayay markii ugu horreysay taariikhdeeda ku guuleysatay koobka, waxaanay rikoodheyaal ku garaacday Bayern Munich oo waliba joogtay garoonkeeda Allianz Arena.

Chelsea waxay iska ahayd koox kaliya ku kooban London illaa intii uu ka iibsanayay Roman Abramovich sannadkii 2003. Wixii markaas ka dambeeyey, waxay Chelsea ku guuleysatay shan horyaal oo Premier League ah, iyadoo hore sannadkii 1955kii hal mar horyaalka ugu sii guuleysatay. Laba Champions League iyo koobab kale ayay hantiyeen inii uu joogay Abramovich.

Laakiin sannadkan waxa dishay Real Madrid oo ku reebtay wareegga siddeedda, waana kooxdii labaad ee lacag badan lala daba taagan yahay ee ay Madrid reebtay xilli ciyaareedkan.

Manchester City iyo sida ay u noqotay tusaalaha isbeddelka ay lacagtu ku samayso kubadda cagta

Sida PSG iyo Chelsea oo kale, waxa Manchester City la geliyey lacag badan markii sannadkii 2008 ay qoyska reer Abu Dhabi iibsadeen. Shirkadda Abu Dhabi United Group ayaa maamusha, waxaana lacag badan oo looga keenay bariga dhexe ay sabab ugu noqotay in ay shan jeer ku guuleysato horyaalka Premier  League, laakiin waxay wali raadinayaan Champions League.

Xilli ciyaareedkii 2020/21 ayay markii ugu horreysay finalka Champions League soo gaadhay Man City, waxaana koobka ka qaadday Chelsea.

City iyo Real Madrid ayaa is heli doona ka hor inta aan la gaadhin finalka 2022 iyadoo semi-finalka ay iskugu yimaaddeen laba kooxood oo reer Spain ah iyo laba Ingiriis ah.

Haddii kooxda 13ka koob ee Champions League haysata ee Real Madrid ay ka adkaato Manchester City oo ay koobkana ku guuleysato, waxa uu u noqon doonaa koobkii ugu qaalisanaa ee ay abid ku guuleysato, sababtoo ah waxay noqon doontaa kooxda awoodda u yeelatay inay soo garaacdo kooxdaha lacagta badan saliidda iyo shidaalka laga keenay lagu maalgeliyo.

Leave a Reply