Liverpool oo ku Raad-joogta Xiddig Mustaqbal Fiican leh & Booska uu ka Ciyaaro

0
460

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku raad-joogta laacibka da’da yar ee kooxda reer Scotland ee Aberdeen ee Calvin Ramsay oo lagu tilmaamo inuu leeyahay hibooyin ciyaareed ee cajiib ah, kaas oo Reds ay doonayso inay u diyaariso mustaqbalka iyo boos weyn oo uu kooxda uga ciyaaaro.

Tababare Jurgen Klopp ayaa la dhacsan bandhigga ciyaareed  ee uu samaynayo Calvin Ramsay oo ka dheela difaaca midig, isla markaana ay ka muuqdaan astaamo la mid ah kuwa Trent Alexander-Arnold oo la rumaysan yahay inuu sidiisa oo kale u ciyaari doono.

Ramsay ayay kooxo badan oo Ingiriis ahi xiisaynayeen tan iyo markii uu ka mid noqday kooxda koowaad ee Aberdeen, waxaase kaalinta koowaad ku jirtay Liverpool oo hadda u dhow inay heshiis la gaadho laacibkan.

Alexander-Arnold oo ah difaaca midig ee Liverpool ee booskiisa aanay cidina ku qabsan karayn marka la eego bandhigga ciyaareed ee heerka sare ah ee uu samaynayay sannadihii ugu dambeeyey, waxa Calvin Ramsay loo diyaarinayaa in uu noqdo beddelkiisa iyo waliba sidoo kale in mustaqbalka uu booskaas kula dagaallamo.

Liverpool ayaa la sheegayaa, in ay diyaar  u tahay inay iibiso laacibka reer Wales ee Neco Williams oo hore amaah loogu diray Fulham, kaas oo hadda ay kooxdu doonayso inay si rasmi ah u iibiso.

Calvin Ramsay ayaa dhowaan muujiyey in uu doonayo inuu u ciyaaro Liverpool, waxaana waraysi uu bixiyey uu ku sheegay, in uu rajaynayo inuu naadigaas dhegaysto dalab kasta oo uga yimaadda, isaga oo sidoo kalena tilmaamay inuu ku faraxsan yahay sida Jurgen Klopp uu fursadaha u siiyo ciyaartoyda da’yarta ah.

Leave a Reply