Muxuu yahay khilaafka ka dhex aloosan Pakistan iyo Afghanistan?

0
417

Xukuumadda Afghanistan ee uu hogaamiyo ururka Taliba ayaa ku eedaysay Pakistan inay dad rayid ah ku laysay duqeyn ay ka fulisay deegaannada ku teedsan xuduudda labada dal.

Taliban ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ay duqeeyeen qaxooti ku sugan gobollada Khost iyo Kunar ee Afghanistan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ugu yaraan 45 qof ay ku dhinteen duqeyntaas, iyadoo wasaaradda arrimaha dibedda ee Pakistan ay sheegtay inay baarayso eedeymahaas.

Afhayeenka xukuumadda Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa Pakistan ugu hanjabay inay cawaaqib xun la kulmi doonto haddii ay mar kale dhacdo arrintaas oo kale.

Waxa uu intaa raaciyay in dhibaatada labada dal ay u baahan tahay xal diblomaasi.

Taliban ayaa u yeertay safiirka Pakistan u jooga Kabul si ay ugu muujiso inay ka xun tahay duqeynta lagu eedeeyay ciidamada waddankiisa.

Najibullah Xasan Abdaal oo ah madaxa warfaafinta ee gobolka Kunar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in “shan carruur ah iyo qof dumar ah ay ku dhinteen gantaal ay ciidamada Pakistan ku dhufteen degmada Shelton.”

Boqolaal kamid ah dadka ku nool Khost ayaa Sabtidii dhigay dibedbax ka dhan ah Pakistan.

Xiisadda Xuduudda

Xiisadda ka taagan xuduudda ay wadaagaan Pakistan iyo Afghanistan ayaa sare u kacday tan iyo markii uu ururka Taliban xukunka la wareegay sanadkii hore.

Xukuumadda Islamabad ayaa sheegtay in kooxo hubaysan ay ka soo weerarraan xarumo ku yaalla gudaha Afghanistan, eedeyntaas oo uu beeniyay ururka Taliban.

akistan ayaa ku hawlan dhismaha derbi dhirirkiisu yahay 2,700 oo kilo mitir, kaasoo ka oodaya Afghanistan, laguna magacaabo Khadka Durand.

Khamiistii la soo dhaafay, ugu yaraan 7 askari oo kamid ah milateriga Pakistan ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo ay koox hubaysan kula beegsatay meel u dhaw xuduudda Afghanistan.

War ka soo baxay milateriga Pakistan ayaa lagu sheegay in ciidanka la weerarray ay dileen afar kamid ah kooxdii wadada u gashay. Ma jirto cid horay ka sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Xiisaddan ayaa ku soo beegaysa xilli wasaaradda gaashaandhigga ee Pakistan ay Khamiistii shaacisay in 128 dagaalyahan ay ciidamada Pakistan ku dileen xuduudda Afghanistan tan iyo bishii January.

Milateriga Pakistan ayaa qiray in ugu yaraan 100 askari looga dilay weerarro dhacay isla mudadaas.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Pakistan, Shehbaz Sharif, oo tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen askarta dhimatay ayaa wacad ku maray in xukuumaddiisa ay sii wadi doonto “la dagaallanka argagixisada”.

Leave a Reply