Sweden: Rasmus Paludan, ninka ku caan baxay Islaam naceybka?

0
414

Dibedbaxyo ka dhashay isku-day uu Kitaabka Quraanka ku gubayay cunsuri u dhashay dalka Denmark oo lagu magacaabo Rasmus Paludan, ayaa hareeyay magaalada Örebro ee badhtamaha Sweden.

Booliska dalkaas ayaa sheegay in sagaal ka mid ah askartiisa ay ku dhaawacmeen dibedbaxyada looga soo horjeeday ninkaas uu ku weyn yahay Islaam naceybka.

Paludan oo sidoo kale haysta dhalashada Sweden ayaa sanadkii 2019 ku ciyaaray Kitaab Quraan xilli uu ku sugnaa xaafadda Nørrebro ee caasimadda dalka Denmark ee Copenhagen.

Muslimiinta Sweden ayaa booliska dalkaas ku eedeeyay inay Paludan u oggolaadeen falka ka caraysiiyay qowmiyadooda, oo loo baahnaa inay ka joojiyaan.

Ra’iisal wasaaraha Sweden, Magdalena Andersson, ayaa cambaaraysay rabshadaha ka dhacay dalkeeda iyo weerarrada ka dhanka ah booliska.

“Sweden waxa ay dadka u ogoshahay inay soo bandhigaan arragtidooda, mid wanaagsan iyo mid xun ba. Waa qeyb kamid ah dimuqraadiyaddeena. Wax kasta oo dhaca, ma aha in la horseedo rabshad. Taasi ma aqbali karno,” ayay u sheegtay wakaaladda wararka ee TT.

“Rabshadaha waa waxa uu doonayo (Rasmus Paludan). Waxa uu rabaa inuu iska hor keeno dadka,” ayay hadalkeeda raacisay.

Asasaaha xisbiga Midabada Kala Duwan ee Sweden, Mikail Yuksel, asal ahaana ka soo jeeda Turkiga, ayaa sheegay in booliska ay difaacayaan ninka muujiyay Islaam naceybka.

Waxa uu tilmaamay in Paludan uu had iyo goor ficilladiisa ka sameeyo deegaannada ay Muslimiinta u badan yihiin, gaar ahaan agagaarka masaajidda si uu ku kiciyo dareenka dadka.

Yuksel ayaa intaa raaciyay in booliska ay ugu baaqaan dadka Muslimiinta ah inay is dejiyaan xilli hortooda lagu gubayo Kitaab Quraan ah.

Dad badan ayaa u arka sababta ku kaliftay Paludan Islaam naceybka inay tahay inuu shacbiyad u raadinayo xisbigiisa xagjirka ah ee lagu magacaabo Stram Kurs.

Bishii October ee sanadkii hore, dowladda Jarmalka ayaa ninkan u diiday inuu tago dalkeeda, kadib markii uu shaaciyay inuu falal ka dhan ah Islaamka uu ka samayn doono caasimadda Berlin.

Bishii November 2020, Paludan ayaa lagu xiray dalka Faransiiska, kadibna laga tarxiilay. Shan qof oo xidhiidh la leh ayaa muddo yar kadib lagu xiray dalka Belgium, kadib markii lagu eedeeyay inay “faafinayeen naceyb” ayna doonayeen inay Kitaab Quraan ah ku gubaan caasimadda Brussels.

Xisbigiisa Stram Kurs

Paludan oo ah qareen Denmark u dhashay ayaa sanadkii 2017 asaasay xisbiga Stram Kurs oo micnihiisu yahay “Xagjir”.

Xisbiga oo ah mid ku dhisan afkaarta Islaam naceybka iyo soo-galooti diidka ayaa isku tilmaama inuu yahay “kan ugu waddanisan Denmark”.

Doorashadii guud ee Denmark ka dhacday 2019, xisbiga Stram Kurs ayaa helay 1.8% codadkii la dhiibtay, taasoo muujinaysay in aanu shacbiyad ku lahayn gudaha waddankaas.

Muuqaal uu sanado ka hor duubay Paludan ayuu waxaa ku jiray qeyb uu ku sheegay inuu jeclaan lahaa in Muslimiinta laga “tirtiro dunida oo dhan”.

Bishii August 2020. Xisbiga Stram Kurs ayaa xaafadda Rosengård ee magaalada Malmö ku qabtay “xaflad Quraan gubis ah”, taasoo dhalisay dibedbaxyo rabshada wata oo hareeyay magaaladaas.

Muslimiinta Sweden ayaa ku baaqay in dastuurka dalkaas lagu daro qodob mamnuucaya aflagaadeynta diimaha, si aanay fursad u helin kooxaha xagjirka ah, sida Rasmus Paludan iyo xisbigiisa Stram Kurs.

Leave a Reply