Wasiirka Qorshaynta oo qaabiley wefti ka socday Qaramada Midoobay

0
210

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hoggaamiyo ku xigeenka safiirka Qaramada Midoobay UN-ta u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Adan Abdelmoula.

Wasiirka ayaa faahfaahin ka siiyay dabkii baabi’iyay suuqii gubtay ee Waaheen, isaga oo farta ku fiiqay gurmadkii shacab iyo dawladba la sameeyay iyo qaadhaanka ilaa hadda loo hayo.

Dr. Adan Abdelmoula ayaa wasiirka uga mahad celiyey sida uu fiican ee uu u soo dhaweeyey iyo sida uu xogta uga siiyey dhacdadii suuqa Waaheen, waxaanu hoosta ka xariiqay sida Qaramada Midoobay diyaarka ugu tahay gurmadka suuqa Waaheen.
.

Leave a Reply