Masuuliyiinta Gobolka Sool iyo Taliyaha Qaybta Booliska oo soo Kormeeray Suuqyada Laascaanood

0
386

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool, oo ay wehelinayeen maayarka Laascaanood iyo taliyaha qaybta booliska gobolkaasi ayaa xalay waxay kormeer ku soo mareen suuqyadda magaaladda Laascaanood.

Waxaanay masuuliyiintaasi soo mareen qaybaha kala duwan ee suuqyadda ganacsiga sida Bacadlaha, dukaamadda Dharka iyo Kabaha lagu iibiyo, iyo meheradaha ganacsiyadda kala gedisan.

Xiliga ay masuuliyiintu kormeerka ku sameeyeen suuqyadda ganacsiga Laascaanood waxaa ka socday wax kala iibsi xoogan, iyadoo ay bulshaddu si weyn alaabooyinka ay u baahan yihiin uga iibsanayeen.

Maadaama oo la gallay tobankii maalmood ee u danbeeyay ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay dadweynuhu u diyaar garoobayaan dabaal-degga munaasibadda Ciidul-fidriga.

Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo kormeerkaasi kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay hanaanka suuqyadda Laascaanood looga dukaamaysanayo iyo sida nabadgeliyadu ku dheehan tahay ee ay ganacsatadu wax uga iibinayeen dadweynaha.

C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, waxa uu sheegay in u jeedadda kormeerkoodu uu la xidhiidhay sidii ay u soo Indho-indhayn lahaayeen xaaladaha suuqa ganacsiga ee magaaladda Laascaanood.

Badhasaabka Sool iyo masuuliyiinta ku wehelinayay kormeerkaasi ayaa intii ay ku sugnaayeen suuqyadda magaaladda Laascaanood waxay makhaayadaha kala Shaaheen bulshaddii ku sugnayd.

C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo u jeedada kormeerkaasi ka warbixinayayna waxa uu yidhi, “Caawa (xalay), waxaanu Indho-indhaynaynay xaaladda uu ku sugan yahay suuqa magaaladan Laascaanood, iyo sida uu u camiran yahay suuqu.

Iyadoo suuqii ganacsiga ee weynaa ee Waaheen uu gubtay, kuna soo beegan tay xili Ciid ah. Waxaananu eegaynay sicir-bararka iyo noloshu siday tahay.

Iyadoona ay jirto suuqii Waaheen oo gubtay, abaartii iyo Covid-19-kii oo inooga horeeyay, intaasoo isku beegmay haddana maasha Allaah, oo dadkeenu waa dad wax is tarra, waana inta aynu kaga duwan nahay dadyowga kale”.

Guddoomiyaha Sool ayaa mahad naqay ciidamadda booliska ee ka hawl gala gobolkaasi gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Waxaanu ku amaanay ciidamadda sida ay mar walba heeganka ugu yihiin ilaalinta nabadgeliyadda bulshadda.

Isagoona xusay in kormeerkaasi ay ku soo arkeen hanaanka nabadgeliyadu ku dheehan tahay ay bulshadu wax uga iibsanaysay dukaamadda ganacsiga ee kala duwan.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa, ciidamadda booliska oo mar kastaba u taagan ilaalinta nabadgeliyadda dalka. Guud ahaanba ciidamadda ku sugan gobolka Sool, degmo kasta, iyo magaallo kasta, gaar ahaana kuwa caawa (xalay) ku sugan magaaladan Laascaanood, oo mar walba heegan ugu jira ilaalinta nabadgeliyadda” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale maayarka Laascaanood C/raxiin Ismaaciil, iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Sool oo iyagna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda suuqyadda gamacsiga Laascaanood ay si wanaagsan u socoto, isla markaana ay dadweynuhu si hufnaan iyo amaan ah ay wax u iibsanayaan.

 

 

 

Leave a Reply