Waxa Dabar Noo Ah In Xeer Diinta Ka Soo Horjeeda Aan Dalka Lagu Dhiqin” Guddoomiyaha Baarlamaanka JSL

0
371

Hargeysa- Gudoomiyaha Baarlamaanka JSL Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ballanqaaday inaan golaha wakiiladu ogolaan doonin oo aanu samayn doonin xeerar ka soo horjeeda shareecada islaamka, isla markaana ogolaan doonin in dalka lagu dhaqo, sida qodobka shanaad ee Dastuurka JSL dhigayo.

Md Cabdirisaaq oo hadal ka jeediyey kulan afur ah oo habeen hore Madaxweynahu u sameeyey Culimada dalka ayaa sheegay in duruufaha badan ee dalka ka jira laga bixi karo in Ilaahay SW loo bandhigo oo laga duceysto.

Isagoo ka hadlayey khasaarahii suuqa Waaheen ayuu sheegay inuu socdo dedaalo badan oo xukuumadu hormood ka tahay oo lagu taageerayo xooleynta ganacsatadii hantidoodu ku baaba’day, balse waxuu sheegay in fiiro gaar ah loo yeesho dad kumanaan muruqmaal ahaa oo aroor walba u soo shaqo tegi jiray suuqa.

“Ganasatada waxaan kula dardaarmaynaa waxii ciwad ah ee Ilaahay idinka siiyo meel kasta, waa inaad ogaataan dadkii idiin shaqeyn jiray.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Md Cabdirisaaq oo ka hadlayey doorka baarlamaanka iyo maqaanka culimada dalka ayaa sheegay inay karaamaynayaan, isla markaana aqoonsan yihiin doorkooda, waxaanu sheegay in xildhibaanadu dhinac aqoon maadi iyo mid diimeedba leeyahiin, isagoo yidhi,

“Xildhibaanadu aqoon maadi iyo mid diimeed way leeyahiin, sida la moodayana way ka qiimo badan yihiin,”

Md Cabdirisaaq ayaa sheegay in gole ahaan marwalba xeerarka ay samaynayaan talooyin ka weydiiyaan culimada dalka, oo uugu dambeeyey xeerkii Caymiska, waxaanu ballanqaaday inuu dabar u noqonayo qodobka shanaad ee Dastuurka,

“Waxa dabar noo ah oo nagu ogaanaysaan in xeer diinta ka soo horjeeda aan dalka lagu dhiqin, sharcina looga dhigin.

 

 

 

 

Leave a Reply