Suuqa Waaheen Waxaa Lagu Dhisayaa Talo Qaran” Wasaaradda Hawlaha Guud

0
459

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay hadal hayn ku saabsan doorka wasaaradda ee maamulka dhismeyaasha dawladda, gaar ahaan doodda ka dhalatay cida awoodda u leh suuqa Waaheen.

Wasaaradda hawlaha guud oo war qoraal ah soo saartay Arbacadii shalay, kaasoo ay ku beyaamisay qorshaha dib-u-dhiska suuqa Waaheen, kaalinta kaga aaddan dawladda hoose iyo xukuumadda, ayaa sheegtay in tallo-qaran dib loogu yagleellayo bogcadda Ganacsi ee meesha ka baxday.

waxa kale oo ay wasaaraddu qoraalkeeda kaga hadashay khilaafka ka taagan barxada gaadiidka la dhigto ee xarunta tiyaatarka Hargeysa, halkaasoo iyadana maalmihii u dambeeyey uu ka taagnaa muran u dhexeeya dhinacyo ku tarufa dhulkaasi dawladdu leedahay oo ay wasaaraddu uga masuul tahay qaranka.

Warka ka soo baxay wasaaradda oo uu ku saxeexan yahay agaasimaha Waaxda xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka iyo warfaafinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Sheikh Daahir (Wirdaani), kaasoo nuqul kamida soo gaadhay Wargeyska Dawan, ciwaanna looga dhigay “Bayaamin Xilka iyo Waajibaadka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dhulka iyo Guriyeynta”ayaa u dhignaa sidan:-

“Waxa maalmaahan warbaahinta Somliland ka socday Dood, Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda hargeysa ee Somaliland, kuwaas oo ay kasoo butaacaysay aragtida kala qaybinta, iyo cuqdadaynta Bulshadda Somaliland, dooddahaas oo sinaba uwaafaqsanayn Xeerarka Dalka iyo Dawladdimadda Somaliland.

Sidaas-darteed waxay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu halkan ugu cadaynaysaa Bulsho-weynta Somaliland. Qodobadan Hoose ku Xusan

 Si waafaqsan Qodobka 23aad Farqadda 2aad ee Xeerka is Maamulka Goboladda iyo Degmooyinka, Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka Xil gudashadoodu waa tabaruc mana yeelanayaan hawl maalmeed joogto ah marka laga reebo Guddiga Fulinta iyo Guddiga Joogtada ah.

 Ma jiro khilaaf ku saabsan Xadaynta Nidaamka Xukumadda oo ka dhexeeya Guddiga Fulinta Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud,,Dhulka iyo Guriyeynta oo la xidhiidhaa Suuqa Waheen

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu si waafaqsan Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015 Qodobka 34 Farqadda (6) Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyeynta ayaa leh xadidaada halbeegyada Dhismaha iyo kormeerka Dhismaha, si looga badbaadiyo muwaadinka halista dhismaha kaga iman karta.

Sida ku cad Qodobka 30aad Farqadda (6) ee Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr.01/2018

Wasaaradda ayaa iska leh Kormeerka iyo isku duwidda wax qabadyada Dawladaha Hoose ee la xidhiidha Dhulka iyo Dhismaha.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ayaa Qorshaysay Dhismaha Saddexda Hangar ee Khudaarta Suuqyadda Gobonimo, iyo Sariibadda ee Suuqa Ahmed Dhagax ee Hargeisa, isla markaana fulisay kormeerka Suuqyadda waxaana ku baxay lacag dhan $ 202898.79 kuna wareejisay Dawladda Hoose ee Hargeisa.

Dhismaha Suuqa Waaheen waxaa lagu dhisayaa tallo Qaran, iyadoo Wasaaradu soo ururisay dhamaan Enigeerada Dalka ee lagu tuhmayey waayo aragnimo iyo aqoon. Enigeeradaas waxay Naqshadeyn doonaan qaabka ay noqon doonaan Dhamaan Suuqyada Dalku, waxayna la shaqeyn doonaa Dhamaan Golayaasha Deegaanka, iyadoo ugu horeysiinayaan Suuqa Waaheen, Wasaaradda Hawlaha Guud waxa Injineeradaa kaga jira Hal Xubin Halka Dawladda Hoosena Kaga Jirto Hal Xubin.

Sidaas-darteed, waxaa leenahay Xubnaha Golaha Deegaanka ee Hargeisa ee Curfiga iyo Kala qaybinta Bulshadu madax-martay masiibadda Suuqa-waaheen fidmo uma baahnaa ee Xal iyo midnimo bulsho ayaa loo baahan yahay.

Ugu Danbayn.

Tiyaatarka Hargeisa iyo Parking Area, wuxuu ka mid yahay Hantida Maguurtadda ah ee Dawladda Dhexe, Wassaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ayaa leh Masuuliyadda Maamulka Hantidda ma guurtadda ah sida ku cad Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015 Qodobka 34 farqadda 4aad, iyo Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr.01/2018, qodobka 30-aad, farqadda (7) ee Diiwaangalinta iyo Maamulidda Hantida Ma-guurtada ah ee Xukuumadda.

Sidaa awgeed, ma jirto meel Dawladdaha Hoose ee Somaliland ku leeyihiin maamulidda Hantida ma-guurtadda ee Dawladda dhexe,

Sidaas-darteed Wasaaradda hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ayaa kala xisaabtami doonta Kiraystaha Tiyaatarka Hargeisa xad-gudubka u ku sameeyay Wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guriyeynta Somaliland si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka Dalka iyo sheegashada Hantida Qaranka”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply