Wefdi ka Socda Baarlamanka JSL oo la kulmay dhigooda Ingiriiska

0
350

London (Dawan)- Wefdi ka socday goleyaasha Wakiiladda & Guurtida oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska ayaa kulan la yeeshay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Kulan wefdiga kula yeesheen xarunta baarlamaanka dhigooda oo ka qeybgaleen xubnaha wefdiga iyo Safiirka JSL ee UK Dayaxweerar, oo Faadumo Siciid oo hadal ka jeedisay ayey ka warantay xidhiidhkii shacabka Somaliland iyo Ingiriisku wadaagi jireen iyo sida Ciidamadii Somaliland ula dagaal galeen Ingiriiska dagaaladii koowaad iyo labaad.

“Ciidamada Somaliland oo Aabahay ka mid ahaa waxay kala qeybgaleen oo ka difaaceen Ingiriiska dagaaladii koowaad, labaad iyo dagaalkii Falkland, waxaa loo baahan yahay Ingiriisku inay abaalka u soo celiyaan shacabka oo aqoonsadaan Somaliland.

Marwo Faadumo ayaa sharaxaad ka bixisay dhibaatadii ka dhacday suuqa Waaheen iyo sida loogu baahan yahay in Baarlamaanka iyo xukuumada Ingiriisku gacan uga geystaan dib-u-dhiskiisa.

“Suuqa Waahen keliya ma ahayn suuq waxuu ahaa xarun kaabta ganacsatada bilowga ah, waxuu ahaa xarun ganacsi oo bulshada wadajir isugu ganac qabato. Suuqa Waaheen wuu uuga muhiimad balaadhnaa suuq keliya Somaliland.”

Waxay sheegtay in qubashadii suuqa Waaheen ka sii xanuun badnayd marka ganacsatadii indhahooda ku arkayeen hantidoodii ganacsigoodii 50-kii sannadood ee u dambeeyey ay abuurayeen dabkii burburinayey, taasoo keeni kara xanuun nafsiyeed oo muddo soconaya, hadaanay helin hanaankii loo maareyn lahaa.

Xanuun nafsiyeedka ganacsatadu dareentay markii hantidoodu gubanaysay, waxay dib u xuusisay burburkii soo gaadhay markii hargeysa iyo magaalooyinka kale Somaliland lagu burburinayey diyaaradaha, ayey raacisay marwo Faadumo.

Dhinaca kale, xildhibaanada baarlamaanka Ingiriiska oo ka hadlay kulanka ayuu Gavin Williamson sheegay, “Waxa sharaf ii ahayd in shalay ka qeybgalo kulan ay reer Somaliland ku wargelinayeen mudanayaasha golaha wakiilada ka dib dabkii khasaaraha badan geystay ee dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Williamson ayaa raaciyey, “Khudbado aad u xoog badan oo ku saabsan khasaaraha ka soo gaadhay dadka reer Somaliland iyo doorka UK iyo kuwa kale ka qaadan karaan sidii ay dib ugu soo kaban lahaayeen.

 

Leave a Reply