Fadliga Tobanka Danbe Ramadaanka

0
814

Tobanka ugu danbeeyay ee bisha Ramadaan waxa ku sugan fadli iyo abaalmarin weyn.  Waxaana muhiim ah in qof kasta ku dadaalo camalka wanaagsan ee habeenadan aynu ku jiro.

Rasuulka Allah (scw) aad ayuu ugu dadaali jiray cibaadada habeenadan weliba si aanu u dadaalin wakhtiyada kale waxaana ay Caa’isha (Rc) laga weriyay xadiiskan Muslim soo saary: “ Nebigu (CSW) wuxu ku dadaali jiray cibaadada tobanka danbe si aanu ugu dadaalin jirin wakhitiyada kale”

Waxa kale oo Bukhaari iyo Muslim soo saareen xadiisyo tilmaamaya sida uu  Nabigu (CSW) uu u cibaadaysan jiray tobanka danbe ee bisha Ramadaan. Xadiiska  “Marka ay gaadho tobanka danbe ee bisha Ramadaan Nabigu (CSW) guntiga ayuu u adkaysan jiray, habeenkana wuu noolayn jiray ehelkiisana wuu toosin jiray”

Axaadiistani waxay ay muujinayaan fadliga weyn ee ay leeyihiin tobanka danbe ee bisha Ramadaan iyo sida uu Nabigu (CSW) u dadaali jiray. Waxaana habeenadan ku jira habeenkii qaaliga ee laylatul Qadriga oo ka khayr badan kun bilood.

Leave a Reply