Waa Imisa Mushaarka Tababaraha Cusub ee Manchester United Erik ten?

0
314

Tababaraha cusub ee Manchester United ee Erik ten Hag ayaa sannadkii mushahar u qaadan doona £9 milyan oo Gini, waana kala badh mushaharka uu qaato tababaraha kooxda ay deriska yihiin ee Man City ee Pep Guardiola.

Xataa tababaraha Leicester City ee Brendan Rodgers ayaa ka mushahar badan Erik ten Hag oo aqbalay inuu ka mid noqdo macallimiinta mushaharkoodu meel-dhexaadka yahay, hase yeeshee waxa uu ka sarreeyaa Ralf Rangnick iyo xataa tababarihii kasii horreeyey ee Ole Gunnar Solskjer.

Ten Hag ayaa khamiistii ay Manchester United si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu yahay tababaraheeda cusub taas oo soo afjartay muddo ay hadal-hayn iyo warar xan ahi ku jireen suuqa.

Waxa uu iman doonaa Old Trafford marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan oo uu la qaadanayo Ajax, kaddibna June 2025 ayaa uu ka bilaabmi doona heshiiskiisa Manchester United.

 

Leave a Reply