Fahamka Hogaanka Ee Mushkuladda!

0
419

Maxamad Cali Baasha wuxu uu ahaa Xaakimkii Masar ee cahdigii Cusmaaniiyiinta. Waa ninkii asaasay xukunkii Calawiyiinta. Waana Xaakimkii Masar 1805 -1848. Waxaana la sheegay inuu ahaa ninka sameeyay Masaarida cusub. Wakhtigiisa waxa bilaabmay dagaalo gudaha iyo kuwa dawladihii Yurub ay wadeen.

Dalka Masar wuxu kor u qaaday dhinaca dhismaha ciidanka, beeraha iyo ganacsiga. Wakhtigaasi oo dadku aanay jeclayn ciidanka madaama dagaaladu joogto ahaayen, ayay dadka qaarkood bilaabeen in indhaha mid ka mid ah  iska ridaan si aan loogu darin ciidanka, madaama shuruudaha qofka ciidanka noqonaya ay ka mid ahayd in aanu noqon naafo sida qof cawaran ama lugaha naafo ka ah.

Laakiin sanadkii 1840 ayuu xaakimka Masar Maxamed Cali ku baraarugay in sirta ay dadku isha cawaran u leeyihiin ay tahay in aan lagu darin ciidanka, wakhtigaasi ayuu u curiyay in la sameeyo laba Guuto oo ciidanka Masar ah oo ah gaatooyinka dadka cawaran, taasi oo keenatya in dadkii cawra ay ka qayb qaataan ciidnak. Waxaana arinkaasi socday muddo 50 sanadooda in dadka cawaran lagu daro guutyinkaasi cawaran.

Leave a Reply