Xikmadaha Maanta

0
290
  • Saaxiibka wanaagsani waxa uu ku sheega khaladka , maaha mid kuu qurxiya si aad raali uga noqoto.
  • Nolosha waxa ka buuxa dhagxan haku siiban laakiin ururso oo ku dhis salaan aad halka sare ku gaadho.
  • Maalmaha ugu waanagsan waa kuwa aad aqoon korosto, dulqaadato, sadaqo bixiso, go’aan fiican gaadho.
  • Dhamaanteen waxa aynu nahay sida Dayax oo dhinac madow leh.
  • Sirta noloshu waa dadaal
  • Noloshu waa salaan la korayo, awood uma lihid inaad korto adigoo gacantu jeebadda kugu jirto Ceelka aad ka cabtay Dhagax haku tuurin
  • Daqiiqad kasta oo nolosha ahi waa khasnada aan soo noqonayn
  • Falsafaddu waxay tidhaa “ Saddex caqligoodu wuu is shabahaa, Gabayaaga, Ka waalan iyo Qofka wax jecel”. Mooyi inay sax tahay.
  • “Ka khaayima dalkiisa waa sida nin gurigii aabihii u ogolaaday tuug xadaysa, aabihii muu ilaalin, tuugtuna weligii ma abaalin doonaan” Che Guevara ( Kitaabka Alf-Xikma)

Leave a Reply