Dalwaddaha Somaliland iyo DDSI oo iska kaashanaya wax-ka-qabashada dhibaatada dhaqaalaha

0
393

Hargeysa (Dawan) Dawladdaha Somaliland iyo dawladd degaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa iska kaashanaya wax-ka-qabashada dhibaatada dhanka dhaqaalaha, waxaana sidan lagu lafo guray kulan muddo saddex cisho ah u socday labada dawladood.

Sidoo kale  waxa intii kulankaasi uu socday diirada lagu saaray arrimo dhaqaalaha ku saabsan, oo wax lagaga qabanayo, sicir bararka ka jira degmada Tog-wajaale, oo uu saameeyay dhaqaalaha labada dhinac, qiima dhaca ku yimid lacagta Birr-ta ah ee Itoobiya  iyo lacagaha sharci darrada ah ee ka gudba xuduudaha labada dal.

Gaba’gabadii kulankaasi waxa labada dhinac ay soo saareen qodobo mihiim ah, kuwaasi wax lagaga qabanayo xaalada hadda ka taagan magaalada xuduudeeda Tog’wajaale, waxaanay u dhignaayeen qodobadii ay soo saareen sidan.

  1. In la nidaamiyo suuqyada lacagaha iyo maaliyadda ee degmadda Tog-Wajaale
  2. In si dhakhso ah wax looga qabto Sicir-bararka uu keenay Sarrif bararka ku yimid

lacagta Birr-ta ah.

  1. In si buuxda looga wada shaqeeyo xasilinta dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo lacageed

ee labada dhinac

  1. In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shakhsiyaadka iyo shirkadaha ku lugta leh

xasillooni darrada suuqa sarrifka ee Degmada Tog-wajaale.

  1. Waxa la abuuray guddi farsamo oo ka shaqayn doonta Degganaanshiyaha, adkaynta

iyo dabagalka suuqyada ganacsiga, lacagaha iyo maaliyadda (Trade and Financial Markets).

Leave a Reply