Fannaanada Sahra-ilays oo ka hadashay war uu ka qoray Tv-ga Eryal

0
703

Hargeysa (Dawan) Fanaanada Sahra Axmed Cabdillaahi (Sahra Ilays), oo ka mida fannaaninta waa weyn ee reer Somaliland, ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaantay,  war uu ka baahiyay Tv-ga Eryal, isla markaana wax lagaga sheegayay masuuliyiinta sar sare ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta.

Sidoo kale waxa ay laamaha ammaanka ka codsatay in ay ka soo gar’bixiyaan Tv-ga Eryal, oo ay sheegtay in baraha bulshada uu ku faafiyeen war-qoraal ah oo aanay iyadu qorin.

Waxa kale oo ay raaligalin ka siisay warka qoraalka ah ee baraha bulshada Tv-gaasi ku faafiyay wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

Waxaanay tidhi.“Dhab  ahaantii saaka aad iyo aad ayaan u naxaaqsanahay, sababto ah marka lagu ribeeyo, adduunyada wax ka xumi ma jiraan, wax aanad ku jirin marka lagu geliyo aad iyo aad ayay u dhib badan tahay.

Qofku marka uu afkiisa wax ka yidhaahdo kama qoomamaynayo, sababto ah waad ugu talo gashay, balse wax aanad ugu talo galin haddii umada lagu caayo ama lagu aflagaadeeyo aad iyo aad ayaad uga xumaaneysa.”

Sahra Ilays waxa ay si gaara  raaligalin warbaahinta ugu marisay wasiirka warfaafinta iyo agaasimaha guud waxaanay tidhi.“Waxaan aad iyo aad uga raaligelinaya wasiirkayga warfaafinta iyo agaasimahayga guud raali ahaada, waxa Tv-gaasi halkaasi ku soo qoray igama gaydaan, afkaygiina maaha, idinmana odhanayo, horena idiinmaan odhan imikana idin odhanmaayo”

“Hay’addaha ammaanka waxaan ka codsanaya inay iga soo garbixiyaan Tv-ga Eryal, oo ay iga soo qabtaan.

Qoraal aanan anigu shaqoba ku lahayn, inay baraha bulshada ku faafiyaan ima qabato, oo waliba cay ah,”Ayay tidhi fanaanada Sahra Ilays.

Leave a Reply