Nolosha Bilowga Ah Ee Bulshooyinka Afrika‍!

0
812

Qabiilada Sormo  waxay degan tahay koonfurta dalka Ethopia webiga ku yaalla xadka Suudaan hareerihiisa. Waxa ay ku jiraan noloshii bilowga ahayd waxaana ay leeyihiin luqad u gaar ah. Caadooyinkooda yaabka leh waxa ka mid ah in marka la guursanayo gabadh la isugu keeno raga doonaya inay guursadaan goob banana ka dibna ay halkaasi ku dagaalamaan, waxa iyana goob joog ka ahaanaysa gabadha la isku haysto.

Ragaasi aya dagalaamaya oo qaarkood ay ku dhintaan dagaalka kan adkaada ayaan guursada gabadha. Ninka laga adkaado ee dhinta ama dhaawac xoog lihi soo gaadho oo is dhiiba ayay caado u tahay in qoyskooda la siiyo 20 neef Lo’ ah.

Qabiiladan ayaa hablahood denbnaha hoose inay weynaadaan u yaqaana qurux waxaana ay gashadaan loox. Dhaqankana ayaa la sheegay inay xidhiidh la leedahay iyadoo wakhtiyadii hore ay dadka ka ganacsada adoomaha ee geyn jiray Yaman ay halkaasi iman jireen. Waxaana ay doonayeen inay foolxumada looga tago.  Laakiin wakhtigii danbe waxa ay u noqotay caado ay u yaqaaniin qurux oo ilaa wakhtigan ay isticmaalaan. Qabiiladani Dharka ay xidhaan waa haragaha xoolahooda, mana isticmaalaan kabo.  )Aljazeera.(

Leave a Reply