Suuqyada Kale ee Dalku Waa in ay ka Feejignaadaan Khasarihii Suuqa Waaheen Oo Kale.…”

0
514

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa usoo jeediyay Suuqyada dalka in ay ka feejignaadaan Masiibadii dabkii baabiiyay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa waxa uu sheegay in khasaarihii ka dhacay dabka Suuqa Waaheen uu yaraan lahaa hadii loo hogaansami lahaa qaabka looga hortago dabka,isla,markaana Wadooyinka la banan lahaa.

Wasiir Koore oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aynu wax baranay dhibaatadii Umadda Somaliland ka soo gaadhay Suuqa Waaheen oo la daalaa dhacayaan Maanta,hadii loo hogaan samilahaa qaabka looga hortago dabka iyo Wadooyinka aan la dagin.waxa aan isleeyahay khasaaruhu intaa wuu ka yaraan lahaa,ciidamada awood ayay u lahaan la haayeen in ay galaan gudaha wixii ay badbaadin karayaana way badbaadin la haayeen.waxa aynu ogan in uu gubtay Suuqii Wajaale suuqyadda kale ee dalku waa inay ka feejignaadan khasaarihii suuqa waaheen oo kale,”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa Waxa uu yidhi”Waxa inoo muuqata in dhaqaalihii Umadda reer Somaliland si bilaa taxadara oo masuuliyad badani ku jirin ay u baabayaan, dhaqaalaha waa mid qaran oo Umadda dhan ayuu ka dhaxeeyaa marka suuqyada noocaasi gubtaan dalka oo dhan ayuu dhaqaaliisu dhulka ku dhacayaa waana masiibo Umadda wada taabatay,sidaa daraadeed Qaran ahaana waa in aynu talo ka yeelano Wasaarada arimaha gudaha iyo Hay,adaha ku shaqada leh waa wadaan,”.

 

Leave a Reply