Hargysa: Dhismaha Barxada Nasashada oo Gabogabo Ku Dhow

0
598

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda madaxtooyada Maxamed Cali Bille, ayaa kormeeray barxadaha bilicda Magaalada kor loogu qaadayo ee nawaaxiga Khayriyadii hore ee magaalada Hargeysa maalintii shalay oo Axad ah.

Barxadahan oo dhaca afaafka hore ee Bangiga dhexe laantiisa kowaad oo ay qayb ka tahay Taallada diyaarada oo dib-u-dhis balaadhan, qurxin iyo casriyeyn lagu sameeyey, ayaa waxa hadda lagu kordhiyey oo dhismaha bilcinteedu socotaa bogcada banaan ee ku xigta dhismaha Bangiga Dahabshiil, halkaasoo loogu talogalay goob lagu nasto.

Agaasime Maxamed Cali Bille, ayaa sheegay in deg deg loo dhamaystiri doono qaybta cusub ee barxada nasashada, isla markaana maalmaha Ciida la furi doono guud ahaan isku-fadhiga taallada diyaarada iyo barxadaha cusub ee dhismaheedu socdo.

“waxaan rajeynaynaa in maalinta Ciida iyadoo isku-fadhigaas oo dhan la dhameeyey la tukan doono inshalah”ayuu yidhi Agaasime Bille “goobtan ay ku oolli jireen makhaayaduhu waataa la xaadhay ee la baneeyey, waxa laga dhigayaa meel lagu nasto oo mar mar iyo wax walba loo samaaynayo, diyaaradiina waa gabo-gabo”ayuu raaciyey.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, ayaa shalay indho-indheeyey geedi-socodka hawsha dhismaha barxada cusub ee nasashada oo markii la baneeyey, lana xaadhay hadda maraysa wajigii dhigista marmarka iyo bilcinta.

Qaar kamida dadweynaha ku ganacsada nawaaxiga goobahan, ayaa soo dhaweeyey dib-u-dhiska iyo qurxinta Xukuumaddu ka wado halkaasi, waxaanay sheegeen inay wax weyn ka tari doonto bilicda magaalada, gaar ahaan suuqa oo aad u cidhiidhi ah, una baahan meelo badan oo sidan kale loogu asteeyo nasasho.

Mashruucan waxa uu qayb ka yahay dhismaha Madxafka Qaranka oo meel fiican maraya isaguna.

 

 

Leave a Reply