Shirkadda Gob Store Brand oo caruur iyo agoon iyo danyar isugu jirta u iibisay Dharkii Ciida

0
527

Hargeysa (Dawan) Shirkada Gob store bard, ayaa ciidsiisay boqol carruura, oo isugu jira agoon iyo danyar, kuwaas  oo ee degan magaalada Hargeysa.

Ubadkan la ciidsiiyay ayaa isugu jira agoon iyo danyar aan awoodin in ay iibsadaan dharka ciida, isla markaana ka kala yimid xaafadaha magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha shirkada Gob store bard, Cabdiqani Xaaji Axmed Abraar, ayaa sheegay sababta ay ciidsiinta ubadkan warbaahinta ula wadaageen in ay tahay dhiriigelin iyo in shirkadaha la midka ahi, sidan oo kale ay u ciidsiiyaan ubadka aanay qoysaskoodu tahli karin ay dharka ciida u iibiyaan.

Guddoomiyaha shirkada Gob store, Cabdiqani Xaaji Axmed Abraar, ayaa faahfaahin ka bixiyay ciidsiinta carruurta danta’yar waxaanu yidhi.“Farxad weyn ayay noo tahay in aanu ka farxinay boqol carruura oo ubadkeeniya, ahna qoysas danyara, saqada qaarna waala kuwana waala muujiya, wax badan oo aanu qirino ayaa jira, balse kan waxa aanu u muujinay dhiirigelin, waxa aanu ugu talo galnay in meheradaha nala midka ahi ugu yaraan hal qoys ay ka farxiyaan”

Qaar ka mida caruurta danta’yar iyo waalidiintooda ayaa ka shirkadda Gob store uga mahadceliyay ciidsiinta ay ciidsiisay.“Waanu u mahad celinaynaa shirkada Gob Store, dharka cidda noo iibisay ee naga farxisay, waanu u ducaynaynaa.

Waxaanu leenahay ALLE haydin barakeeyo, halkaad ka soo saarteena ALLE wax khayr qaba haydinku baddelo.

Gob store waad mahadsan tihiin, waadna ciidsiiseen, ILLAAHEY miisaanka xasanaadka haydiinku daro, sidaad nooga farxiseena ALLE haydinka farxiyo”

Leave a Reply