TPLF oo sheegtay inay ka baxday gobolka Canfarta

0
619

Hargeysa (Dawan)  – Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay ka baxday dhammaan goobohii ay horey uga haysteen degaanka Canfarta, goobahan ay baneeyeen TPLF ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ku dagaallamayay TPLF iyo ciidanka gaarka ah ee degaanka Canfarta.

TPLF ayaa tallaabadan ay kaga baxeen dhulka Canfarta ku sheegtay mid loogu gogol xaadhayo, sidii gargaarka bani’aadanimo u gaadhi lahaa gobolka dagaalladu wiiqeen ee Tigray.

Geesta kale masuuliyiinta gobolka Canfarta ayaa soo bandhigay burbur badan oo gaadhay goobihii ay hore u haysteen TPLF, halkaas oo ay maalmihii u dambeeyay ku hardamayeen TPLF iyo ciidamada Canfartu.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa maalinimadii shalay ahayd, waxay sheegtay in gawaadhi badan oo siday gargaar kala duwan ay gaadheen gobolka Tigray, halkaas oo shacab badani ku haysato macaluul aad u daran.

Leave a Reply