Arday Isu Xilqaamay Barashada Dastuurka

0
478

Maanaan Filayn in Saddex Kun (3000) oo arday   ay si is-xilqaan ah ku bartaan Dastuurka” Wasiirka  Xidhiidhka  Arrimaha Dastuurka

Hargeysa (Dawan) wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay in ay indhahooda ku arkaan saddex kun oo arday oo u fadhiya barashada dastuurka iyo waddaniyada, isla markaana si is-xilqaan ah wax ku baraya.

Waxa uu sheegay in rabitaan ka yimid dhallinyarada Somaliland ay ku aasaaseen xarunta barashada dastuurka iyo waddaniyada oo ku taalla magaalada Hargeysa. Sidoo kale waxa uu xusay in saddexda kun ee arday ee sida is-xilqaanka ah ku bartay dastuurka iyo waddaniyada maalinta qalinjabintooda ay la wadaagi doonaan madaxweynaha Qaranka Somaliland.

Waxaanu sidan ku sheegay mar uu kormeer ku tagay xarunta dhallinyaradan wax ka bartaan ee xarunta barashada dastuurka iyo waddaniyada ee gudaha magaalada Hargeysa. Waxaanu yidhi. “Maanaan filayn dhab ahaantii in saddex kun oo arday oo muwaadiniin Somalilander ahi, waddaniyad darteed is xilqaan ah u yimaadaan, goobaha barashada dastuurka iyo waddaniyada ee ay sameysay wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurku.

Anaguna waxa ugu badan ee aanu xaqiijinay waa wax idinka idinka yimid, haddu ahaa waa dantaade barro dastuurka, haddu ahaa hibeynta ramadaanta iyo dastuurka.

Waxa noo soo baxday in dadkeenu yihiin dad wanaagsan oo diyaar u ah inay bartaan dastuurka, waxa noo muuqatay in aanu madaxweynaha Somaliland la wadaagno dhallinyarada caynkaasa ee ubixi qaranka ah, ee laf dhabartii ah inay maanta qalin jabinayaan”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply