Ciyaartoy Baasaboorka Somaliland ku Tagay Wadanka Uganda oo ka Qaybgalay Tartanka Lagdenka

0
285

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa shalay dalka ku soo dhaweeyay ciyaartoy dhawaan Somaliland uga qayb galay tartanka Lagdenka oo  lagu qabtay Dalka Uganda.

Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa waxa uu sheegay in Ciyaartoygan ka qayb galay tartanta Lagdanka ay ku tageen Uganda Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana uu intaasi ku daray in ay guulo waaweyn ka soo hooyeen tartankaasi caalamiga ah

Cabdirashiid Caydiid oo faahfaahin  ka bixinayay tartankan ay ka qaybgaleen Ciyaartoygan Waxaana uu yidhi “Waxa aanu uga mahadcelinaynaa dalka Uganda oo ogolaaday in Baasaaboorka  Somaliland lagu tago dalkooda, isla markaana fiiseeyay. Ciyaaryahanadi waxa ay ku tageen dalka Uganda waxaana ay tartan la galeen dad ajaanib ah, tartankaasi oo ay  guul ka soo hooyeen, waxaana ay yimaadeen wareega labaad oo  meel fiican ayay ka gaadheen Lagdanka Miisaankiisu yahay 60 Kiiloo iyo 66 Kiiloo ayaa mid waliba ku guulaystay oo yimid kaalinta labadan.

Ciyaartoy runtii sharaf weyn ayay inoo tahay ujeedada  aanu ka leenahay Wasaarad ahaan  waxa weeye in tartamadii gaadhsiino  degmo ilaa Gobal waxaana aanu ujeedsanay  Wasaarad ahaan in calanka Somaliland gayno dalalka Geeska Afrika oo ay ka soo ciyaareen Ciyaaryahano  Somaliland ka socday”.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee  Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Xasan Cabdilaahi Qodax ayaa waxa uu sheegay in Ciyaartoygan ay kaga qayb galeen Uganda  afar tantan oo kala  duwan.Waxaana uu yidhi”Safarkan oo ahaa mid dheer waa guul weyn waxaana ay ahayd tartan ay ka soo qayb galeen afar tartan oo kala duwan,waxaana  uu ka bilaabmayay tartanta dhawr iyo konton Kiiloo Garaam tartanka 60 Kiiloo Garam 66 Kiiloo Garaam 70 Kiiloo Garam ilaa 77 Kiiloo Garam”.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply