Madaxdda Qaranka oo ka Hadashay Geerida Marxuum Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare)

0
545

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muse Bihi Abdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo shalay 26 April, 2022 ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Marxuumka oo ka mid ahaa dadkii lagu aas-aasay ciidanka booliska Somaliland April 1955-tii, wakhtigii maxmiyadii Ingiriisku ay Somaliland ka talinaysay, sidoo kalena xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, wakhtiyadii danbena ahaa bare jaamacadeed oo ka baxay ummadda afka Soomaaliga ku hadasha.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Madaxweynahii hore JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), iyo qoyskiisa, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaa waxgaradka, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo shalay 26 April, 2022 ku geeriyooday Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Md. Siilaanyo ayaa ku sifeeyey marxuum Jaamac, aqoonyahan muddo 60 sannadood ka soo shaqeynayey horumarka ummadiisa, dhinac walba, hormoodna u ahaa halgankii & dib-u-dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxuu raaciyey in marxuum Jaamac yare, ahaa tiir weyn oo ummada Somaliland iyo Soomaali ka baxay, Ilaahay SW uuga baryayo inuu hoygiisa ka dhigo janadiisa Fardowda Al Aclaa.

Md. Axmed Siilanyo waxuu marxuumka Ilaahay SW uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, Soomaali iyo ummada Islaamka uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, aamiin….aamiin..

Gudoomiyaha Golaha Guuritda Md. Saleebaan Maxamuud Adan iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdirisaaq Khaliif Axme waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaa waxgaradka, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo shalay 26 April, 2022 ku geeriyooday  Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Gudoomiyeyaasha labada Aqal ayaa ku sifeeyey marxuum Jaamac inuu ahaa waxgarad dadaallo badan muddo dheer u soo galay waxtarka ummada, kana mid ahaa aqoonyahankii dalka iyo dadka horumarintooda hormoodka u ahaa.

Gudoomiye Saleebaan & Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa marxuumka Ilaahay SW uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, Soomaali iyo ummada Islaamka uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Taliyeyaasha Ciidamadda Qaranka, Booliiska, Xeebaha, Asluubta, Socdaalka & Sirdoonka waxay dhamaantood tacsi u direen waxgaradka, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo shalay 26 April, 2022 ku geeryooday Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaanay marxuumka Ilaahay SW uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, Soomaali iyo ummada Islaamka uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe & Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed   ayaa  tacsi tiiraanyo diraywaxgaradka, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo shalay 26 April, 2022 ku geeriyooday Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti .

Dr Cabdiraxmaan oo gudashada Cimrada ku jira ayaa sheegay in marxuumku ka mid ahaa shakhsiyaadka faro-kutiriska ah ee bulshada sida weyn ugu soo shaqeeyey dhanka Dawladnimada iyo dhanka aqoonta labadaba, waxaa innaga god-galay Oday culus oo miisaan iyo martabadba dhexdeenna ku lahaa.

Waxaanay dhamaantood marxuumka Ilaahay SW uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, Soomaali iyo ummada Islaamka uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

Leave a Reply