Guud ahaan Adduunka Kalluunku Meelaha uu ku Nool Yahay Waa Saddex

0
662

Kalluunka hoygiisu waa biyaha sida webiyada, harooyinka iyo badaha.

Biyahaas oo ku kala duwan heerkulka, xadiga cusbada ku jirta iyo cadaadiska. Kalluunku waa noole ama xayawaan la yaab ku leh xagga la qabsiga deegaanka sida marka uu galo maayad kulul in uu is qaboojiyo, marka uu qabow galana in uu is kululeeyo.

  1. Nooca biyaha qaybta sare kaga nool sida (palegic fish): Noocan

waxa uu cunaa noolaha kale ee badda ku jira oo la yidhaahdo (zoo

plankton). Kalluunka noocan ah waa uuu socdaa oo kolba meel ayuu

tagaa, isaga oo raadsanaya deegaan habboon iyo cunto. Tusaale ahaan

noocan kalluunka ah waxaa ka mid ah taraaqada, sucbaanka,

shiiraanka, dabo-gucunka, faraska, daambeeriga, qariibka iyo libaax

badeedka qayb ka mid ah.

  1. Kalluun qareed (demersal fish): noocan waxa uu ku nool yahay

shacaabiga oo ah gunta hoose ee badda, noocan waa uu daaqaa wuxuuna

cunaa caws badeedka iyo ubax badeedka (phytoplankton). Tusaale ahaan

kalluunka noocan ah waxaa kamid ah qariibka, gaxashka, sumaanka iyo

  1. Nooca qolofleyda ah: noocan waxa ay ku nool yihiin godadka

shacaabiga badda (coral reefs) iyo sida oo kale badda gunteeda

hoose. Waxaana ka mid ah qolofleyda, aargoosatada, carsaanyada iyo

Kalluunka biyaha dhanaan iyo ka biyaha macaan:

Kalluunka badda iyo kalluunka webiga waxa ay ku kala duwan yihiin midabka, qaabka iyo urta. Dhadhan ahaan kalluunka badda waa uu ka dhanaan yahay ka webiga. Kalluunka webigun waa ka madax weyn yahay kana madow yahay kalluunka badda.

Noocyada kalluunka ee webiga ku jira kunbilaha iyo kaatfishka ayaa ugu caansan. Lutfiyaha iyo ballanku waa kuwa yaryar ee lagu dabo kalluunka kale. Noocyada kale ee kalluunka webiga laga helo waxa ka mid ah talaabiyaha.

Kalluunka baddu waa ka waaweyn yahay ka webiga, waayo waxa ay leedahay waxyaabo badan oo kaalmaynaya koritaankiisa sida in ay baddu leedahay aljiga uu kalluunku cuno. Kalluunka baddu waxa kale oo uu leeyahay meelo dugsoon oo uu ku dhalo, ugxaantiisana gabaad uu ku badbaado siiyo.

Cuntooyinka uu kalluunku ka helo webiyada waa uu ka yaryahay kan uu badaha ka helo.

Leave a Reply