Wax ka Baro Xeebaha Somaliland iyo Goobaha ugu Dalxiiska Fiican

0
633

Dalka Somaliland wuxuu leeyahay deegaan ballaadhan oo dhul badhka uu ku fadhiyo lagu qiyaaso 136200KM2 iyo bad leh xeeb dhererkoodu dhan yahay 850 km laga bilaabo Lawyacaddo dhinaca galbeed illaa Ceelaayo dhinaca bari ee. Somaliland waa qaran ka nasiib badan qoomiyado badan oo caalamka ah marka laga eego cimillada iyo hawada meel dhexaadka ah xilli kasta, dhulka fidsan iyo deegaanka kala nooc nooca ah.

Goobaha aad loogu dalxiiso ee Somaliland waxa ka mid ah magaalooyinka qadiimiga ah ee dalka sida Berbera, Saylac, Bullaxaar, Maydh iyo Xiis, Laas-qoray, jasiiradaha Sacaadadiin iyo ceebood

Xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, waxay ka mid tahay deegaanka dhulka ugu qadiimsan iyo meelaha ugu hor magaaloobay dhinaca dhismaha, iyadoo ilaa qarnigii labaatanaad ka hor caan ku ahayd dekedda wax lagala soo dego, dacallada dunidana laga yaqaannay. Guud ahaan, adhiga idaha ah ee Soomaalida ayaa dhammaan suuqyada carabta ee loo dhoofiyo looga yaqaannay Barbaraawi.

Xeebta Berberi waa xeeb nadiif ah, isla markaana aan buuq ahayn aadna loogu raaxaysto in lagu dabaasho iyo guud ahaan dalxiiskeeda.

Waxaad ka helaysaa noocyada kala duduwan ee hilibka kalluunka darayga ah ee hudheello kooban oo naxaawiga ku yaallo.

Xeebaha badda ku xeeran Berbera waxa ka mid ah Batalaale, waa goobaha aad looga dalxiiso Somaliland ee Berbera ku yaalla waxa ka mid ah Xeebta Batalaale ee uu ku aasan yahay Cilmi Boodhari ama loo yaqaanno qabrigii jacaylka sida ay abwaannada suugaantu ugu halqabsadeen.

Magaalada Berbera waxa ku taalla marsada koowaad ee Somaliland, taasoo sannadahan dambe si casri ah loo horumariyay, kana mid ah goobaha loo dalxiiso marka la gaadho magaalada Berbera. Sidoo kale, madaarka diyaaraduhu ka haadaan oo hore u ahaan jiray Airport ka ugu weyn Afrika, haddana ah kan ugu weyn Somaliland ayaa ku yaalla magaalada Berbera. magaalada Bebrera waxaa xidhiidh la lahaan jiray dawladihii islaamka sida Cabaasiyiintii oo ahaa qoladii ugu horeysay ee soo galisay biyaha iyagoo u sameeyay iliilado soo qaada, waxa kale oo uga dambeeyay dawladdii Cismaaniyiinta, iyagoo beebab soo dhigay. waxaa magalada Berbera la odhan jiray Bandar Cabaas ,waxaa kale oo la yidhaa Berbera,oo ah beri,beri, waxaana loola jeeda meel marna dadku yimaadaan marna ku yaraadaan. Berbera waxay xarun u ahayd taliskii Ingiriiska ka hor magaalada Hargeysa.

Leave a Reply