UK oo Taageeraysa Dadkii Ku Waxyeeloobay Dabkii Waaheen

0
295

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay hormood ka tahay dadaallada lagu taageerayo dadkii ku waxyeeloobay dabkii suuqa Waahen, lana kaashanayaan xukuumada Somaliland

Xildhibaan Kerry McCarthy oo shalay ka hadashay fadhigii baarlamaanka, ayaa sheegtay inay weydiinayso Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta, tallaabooyinka ay qaadayso si ay u taageerto Somaliland ka dib dabkii dhawaan ka kacay Hargeysa.

Vicky Ford, oo ah Wasiirka Afrika u qaabilsan,Xafiiska Horumarinta, Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka, oo ka jawaabaysa ayaa tidhi,

“Dareenkeenu wuxuu la socdaa dadkii ku waxyeeloobay dabkii ka kacay suuqa Hargeysa oo sababay dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaadhay goobo ganacsi.

Ford, ayaa hadalkeeda raacisay, “Ingiriisku waxay hormuud ka tahay dadaallada diblumaasiyadeed iyo ka jawaabista horumarka ee gudaha, oo ku jirto koox isku xidhka beesha caalamka, waxaanu kala shaqeynaynaa Somaliland si loo ogaado jawaabta lagama maarmaanka ah.

 

 

 

 

 

Leave a Reply