Tobanka Kooxood Lacagta ugu Badan ku Bixiyey Iibsiga Ciyaartoyda

0
383

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa noqotay naadiga lacagta ugu badan ku kharash-gareeyey iibka ciyaartoyda tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, laakiin lacagtaas ayaa ka khasaartay oo aanay ku helin wax guul ah.

Tobanka kooxood ee Yurub oo dhan lacagta ugu badan ku bixiyey iibsiga ciyaartoyda oo la shaaciyey, waxa si lama filaan ah uga soo muuqda Aston Villa iyo Everton, iyadoo lix ka mid ah naadiyadaasina ay yihiin Ingiriis, halka afarta kalena ay Spain, Faransiis iyo Talyaanigu qaybsadeen.

Manchester City oo lagu yaqaano inay lacago aad u badan ciyaartooyo ku kharash garaysay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ayaa waxa kasii sarraysa Manchester United oo iyadana  aanay lacagtaas badan ee ka baxday aanay xataa dibu-dhis ugu samayn naadiga, taas oo ka dhigan inay ka khasaartay.

Pep Guardiola ayay kooxdiisu noqotay naadiga kaalinta labaad kaga jira liiska kooxaha lacagaha ugu badan kharash gareeyey tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana saddexaad fadhida Paris Saint-Germain oo la ogyahay inay lacag gaadhaysa £360 milyan oo Gini ku bixisay Neymar iyo Kylian Mbappe oo kaliya.

Barcelona ayaa noqotay kooxda kaliya ee reer Spain ah ee ku jirta liiskan maadaama ay ciyaartooyo badan lasoo wareegtay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, kuwaas oo kusii kordhiyey deynta lagu leeyahay oo ay ku dareen £408 milyan oo Gini, halka wadarta  deynta lagu leeyahay ay kor u dhaaftay £1 bilyan.

Kooxda Talyaaniga ee AC Milan ayaa iyaduna liiskan soo gashay, waxaanay ku jirtaa kaalinta toddobaad, iyada oo tan iyo 2012kii ciyaartooyo ku iibsatay lacag kor u dhaafaysa £363 milyan oo Gini, waxaase ka badan Juventus iyo Arsenal oo lixaad iyo shanaad ku kala jira.

Chelsea ayaa kaalinta ugu hoosaysa ee tobnaad ku jirta, waxaana sababta hoos u dhigtay iyada oo la ogyahay inay lacag badan ciyaartooyo ku kharash garaysay ay tahay inay dhinaca kalena iibisay ciyaartooyo waaweyn, kuwaas oo lacagtii ay ka heshay oo laga jaray inta ay kharash garaysay ay yareeyeen lacagta baxday, waxaana ciyaartoyda qaaliga ahaa ee ay iibisay ka mid ah Eden Hazard.

Halkan kaga bogo 10ka kooxood ee lacagta ugu badan kharash gareeyey laga soo bilaabo xilli-ciyaareedkii 2012-13

  1. Manchester United – £904m
  2. Manchester City – £828m
  3. Paris Saint-Germain – £792m
  4. Barcelona – £547m
  5. Arsenal – £490m
  6. Juventus – £472m
  7. AC Milan – £363m
  8. Everton – £361m
  9. Aston Villa – £357m
  10. Chelsea – £347m

Leave a Reply