Barcelona o Xaqiijisay inay Heshiis Cusub ka Saxeexatay Ronald Araujo

0
340

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddiga Ronald Araujo qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kula joogi doono kooxda.

Xiddiga Ronald Araujo ayaa muhiim ka noqday kooxda labadii sano ee ugu dambeeyay isaga oo si joogto ah ugu ciyaara kooxda 1-aad.

Mustaqbalka Ronald Araujo ayuu shaki weyn ku jiray bilihii ugu dambeeyay iyada oo heshiiskiisu dhacayay dhaamadka xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Barcelona ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddiga Ronald Araujo qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono.

Barcelona ayaa xaqiijisay in uu daafaca dhexe qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogi doono ilaa xagaaga 2026.

Leave a Reply