War Deg Dega: Guddida Doorashooyinka Somaliland oo guddoomiye cusub doortay iyo Guddoomiyihii hore oo beeniyay warkaasi

0
598

Hargeysa (Dawan) – Qoraal lagu baahiyay boga guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyihii guddida Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), isla markaana guddoomiye loo doortay Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

Inkasta oo qoraalka doorashada guddoomiyaha cusub isla markiiba laga saaray boga guddida doorashooyinka Qaranka.

Haddaba Qoraalka doorashada guddoomiyaha cusub oo lagu baahiyay xidhiidhka bulshada arrimaha bulshada ee Facebook ee  guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa u dhigna sidan.

“Komishanka doorashooyinka Qaranku wuxu si waafaqsan xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyayaasha, Xeer Lr-91/2020 iyo Xeer-hoosaadka koomishanka Qaranka uu isbadel ku sameeyay hoggaanka komishanka dorashooyinka Qaranka Somaliland.

Xubnaha xisbiyada mucaaradka u qaabilsan wada shaqaynta guddida oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in uu is badal dhacay.

Waxa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 27-ka April 2022, xilkii guddoomiyaha komishanka laga badelay guddoomiyihii hore ee komishanka, mudane Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac).

Waxa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 27-ka April 2022 xilka guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland loo doortay Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, oo ka mid ah xubnaha KDQ, laguna doortay si aqlabiyad ah.

Komishanka doorashooyinka Qaranku wuxu guddoomiyihii hore uga mahad celinaya muddadii uu soo hoggaaminayay koomishanka iyo hawlihii baxaada lahaa ee muddada komishanka doorashooyinka qaranku qabtay.

Guddoomiyaha cusubna waxaan ugu ducaynaynaa in ILLAAHEY xilka u fududeeyo kuna asturo”

Xisbiyada mucaaradku waxay sheegeen in xubnaha guddida uu sharcigu siinayo in ay doortaan qofka ay doonaan, isla markaana ay guddoomiyaha badali karaan xiliga ay doonaan, taasina ayna waxba u dhimayn shaqada guddida iyo doorashooyinka soo socda midna.

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo xisbiga WADDANI u qaabilsan Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in uu jiro xeer iyo nidaam siinaya in dhexdooda ay is baddeli karaan.“Anaga guddoomiye kasta oo la doorto waa isku kaaya mid toddobadooda koomishan Qaran, asxaabta Qaranku laba xubnood ayay ku lahaayeen, balse markii la magacaabay ayaa ugu danbaysay in ay ka mid noqdaan asxaabta mucaaridka.

Xeer iyo nidaam ayaa siyay in iyaga dhexdooduna is baddeli karaan, wax cusubna naguma’aha, wax aanu anagu danaynayna maaha, iyaga ayaa xaq u leh hadday is baddel sameeyaan iyo haddii aanay sameyn, toddobada koomishan Qarana anaga way noo siman yihiin, midnana ma eedaynayno, ciddii hore ee joogtayna ma eedaynayno, oo si wanaagsan ayuu u shaqeeyay oo waxa uu ahaa guddoomiyihii koomishanka doorashooyinka, cidda cusub ee la keenayna ma hanbalyaynayno, oo toddobada xubnood way noo siman yihiin, wax dhib ahna maanan arag, inay is baddal dhacayna waa ay noo sheegeen, marka sidaasi darteed intaas ayuunbaanu idinla socod siinaynaa”

“Wax layaaba oo weyn oo guddida doorashooyinka ka dhex socda ma jiro, shaqadoodii caadiga ahayd ayay wataan, hawshoodii ayay wataan, tan kale iyagu xaq ayay u leeyihiin, anagana toddoobaduba waa ay noo dhaarsan yihiin, Qaranka Somaliland oo dhan ayay u dhaarteen, oo ay dhex u yihiin, hawsha is baddelka gudahooda iyaga ayay u taala”Ayuu yidhi Yuusuf Keyse Cabdillaahi xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID.

Kaltuun Sheekh Cabdi ayaa ah gabadha kali ah ee kamid ah todobada xubnood ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Qoraal lagu baahiyay boga guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha guddida Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), uu wali yahay guddoomiyaha guddida.

Qoraal ka ayaa lagu beeniyay qoraal isla bogan lagu baahiyay galinkii hore ee maanta, qoraalkaas oo lagu sheegay in guddoomiyaha guddidaas Cabdirashiid Riyo-raac laga qaaday xilkii guddoomiye-nimo isla markaana lagu badalay Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

Waxaanu sheegay in 25/4/2022 uu madaxweynaha Somaliland u gudbiyay qoraal uu kaga codsanayo in uu guddi baadhiseed u soo magacaabo koomishanka doorashooyinka oo muran laxaad lihi hadheeyay.

Waxaanu guddoomiye Riyo-raac soo saaray qoraal danbe oo isna isla bogga xidhiidhka arrimaha bulshada ee Facebook ee guddida doorashooyinka lagu baahiyay waxaanu u dhigna sidan.

“Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Qaranka JSL, wuxuu beeninayaa xil ka qaadista sharci daradda ah ee lagu faafiyay baraha bulshada, isla markaana loo faafiyay si khaldan oo aan waafaqsanayn shuruucda uu koomishanku ku shaqeeyo.

Guddoomiyuhu wuxuu dhinacyada ay wada shaqaynta leeyihiin koomishanka doorashooyinka Qaranka gaar ahaan xisbiga Qaranka iyo xukuumadda ku wargelinayaa in warka la faafiyay isla markaana ay labada xisbi mucaarad ka hadleen iyagoon hubsan uu sharciyadiisa uu yahay mid aan waafaqsanayn sharciga Koomishanka.

Dhanka kale waxa guddoomiyaha xisbiyada Qaranka, xukuumadda iyo bulshada u caddaynaya in warka xilka qaadista aan sharciga waafaqsanayn ay sababtay qoraal uu guddoomiyuhu 25/4/2022 uu u gudbiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo raacaya xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020 qodobkiisa 15-aad farqadiisa 2-aad.

Qoraalkaas oo uu kaga codsaday madaxweynaha in uu guddi baadhiseed u soo magacaabo koomishanka doorashooyinka oo murax laxaad lihi hadheeyay.

Ugu danbeyn wuxu bulshada Somaliland ka iyo daneeyayaasha doorashooyinka ka raaligalinayaa War-saxaaafadeedka khaldan ee la baahiyay”

Si kastaba ha ahaate muranka uu guddoomiyuhu ku caddeeyay qoraalka uu soo saaray, in uu ka dhex qarxay guddida doorashooyinka ayaa loo aanayn kara xilka qaadista Riyo-raac iyo magacaabista Kaltuun.

 

Leave a Reply