Geerida Jaamac: Waa Dhamaadkii Jiil dhan oo Gobannimada Midhaheeda Guratay…”

0
548

Marxuum Jaamac- yare oo Jimcaha lagu aasi doono magaalada Toon

Safiir. Aadan Muuse Jibriil

Geerida Jenaraal Mohamed Jamac Qaalib waa dhammadkii da’a dhan oo goobjoog ka ahayd Casri aan caadi ka ahayn Taariikhda Somalida, guud ahaan iyo gaar ahaan intaba.

Runtii Marxuum Jamac yare, ma ahayn qof caadi ah ee waxa uu ahaa qof mug leh, oo si gaara loogu xuusan karo, laguna tilmaami karo wax u gaar ahaa da’a dhan iyo Casir dhan oo taariikhda Somalida iyo tan Afrika-ba gaar u ahaa.

Isagoo weliba aan daawade ka ahayn, balse si fircoon uga qayb qaadan jiray, oo ku caan ahaa geesinimo dheeraad ah. Nin aragtidiisa aan la gabban, mar kasta sida uu wax arko u cabira. Waxaa uu ahaa da’dii gobanimada midhaheeda guratay, qadhaadkeedna aragtay, Markii danbana ku kala aragtida noqotay.

Waxuu isagu Janaraal Booliis ah oo si daacdnimo ah ugu shaqeeya xukuumada markaa jirta. Markii xukunku uu isku beddelay keligi talis waxuu  noqday xubinta ugu cad-cad ee SNM uguna wax-tarka badan ee Muqdiso jooga.

Jamac waxuu ahaa nin camali ah, midnimada Somaliyeedna aad ugu wayn tahay, laakiin mar dambe ayuu ogaaday in midnimo aan cadaal ku dhisnayn aan la helayn, sidaas darteed waxuu aakhirkii ku qancay in wax ka yar labadii dal ee lixdankii  israacay ay wada hadlaan, waxa inta ka yarnaa aan la helayn, taasna aanay Konfurtu ogglaanayn.

 

 

 

Leave a Reply