Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo ka Hadashay Xaddiga Roobab ka Da’ay Gobolada Somaliland

0
449

Hargeysa (Dawan)- Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa ugu baaqday Beeralayda dalka in ay ka faa,iidaystaan Roobka Guga ee dalka ka Curtay.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Aadan Cabdilaahi Muuse oo Shalay Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa waxa tilmaamay in toddobaadkan dalka ku soo waajahan yihiin Roobab,isla,waxaana uu usoo jeediyay Beeralayda in ay kordhiyaan wax soo saarka.

Aadan Cabdilaahi oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Guud ahaan Roobkii Gugu ayaa bilaabmay waxaana aan doonayaa in Beeralayda la wadaagno in sidii saadaashu sheegtay ay Roobabkii Guga bilaabmeen,guud ahaan dalka Somaliland roobab aad fiicana ka da,een bishan 26 keedii Gobalada Gabeedka oo meelaha qaar kood xadi goodu aad u fiicnaa sida Boorama Hargeysa Gabilay Caynaba Gumburaha Wajaale Dila Magaalo Sheekh iyo Caada iyo Hara Sheekh,waxaana la saadaalinayaa toddobaad kan soo socda in Roobab fiican di doonaan Roobab xadigoodu aad u sarreeyo,oo u badan dhinaca bariga ilaa soddonka Bishan aynu ku jirno ilaa Bisha dambe shanteeda rajaynaynaa in aynu heli doono roobab”.

Sidoo kale Aadan Cabdilaahi ayaa waxa uu fariin u diray Beeralayda.Waxaana uu yidhi”Waxaana aanu ku baraarujinayaa Beeralayda in ay ka faa,iidaystaan Roobabka bilaabmay si ay wax soo saarkooda u kordhiyaan,waxaana aanu ku dhiirigalinayaa in ay tacabka kordhiyaan Beeralayda shacabka.waa in ay ka taxidiraan Roobabka oo keeni kara daadad iyo fatahaad,waxaana aanu usoo jeedinayaa Beeralayda Togaga ka durkaan si aanay dhibaato uga soo gaadhin daadadka”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply