Guddiga Gurmadka Waaheen oo ka Warbixiyay Lacagaha soo Gaadhay

0
486

Hargaysa (Dawan): Guddiga heer qaran ee gurmadka iyo taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen ee magaaladda Hargaysa ayaa shaaciyay dakhliga cadadka lacageed ee ilaa hadda soo gaadhay, meelaha ay ka soo gaadheen iyo kharashka baxay.

Waxaana shaacinta lacagtaasi guddiga heer qaran ee gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen ku wehelinayay guddiga ganacsatadda iyo culimadda ee gar-gaarka suuqii gubtay ee Waaheen ee magaaladda Hargaysa.

Guddiyadaasi oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda diinta iyo awqaafta oo ay si ku-meel-gaadh ah ugu sii shaqeeyaan, ayaa ka hadlay dhaqaalaha taakulaynta suuqa Waaheen ee soo gaadhay.

Muuse Ibraahim Selef, wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska ee Somalilad oo ka mid ah guddigaasi ayaa faah-faahiyay lacagaha soo gaadhay, meelaha ay ka soo kala gaadhay, iyo ilaa hadda kharashaadka baxay.

Waxaanu sheegay Muuse Selef, in mudadii ay socotay taakuladda iyo gurmadka suuqa Waaheen in ay soo gaadhay lacag dhan lix iyo toban Milyan, sagaal boqol iyo shan iyo konton kun, iyo laba dollar.

Kharashaadka baxay ayuu ku tilmaamay in wejigii u horeeyay bixiyeen laba todobaad ka hor oo ahayd cawad celintii dadkii nuglaa ee suuqa Waaheen, kuwaasoo ahaa dadkii dakhligoodu ka hooseeyay $5000 oo dollar.

Lacagtaasi loo qaybiyay dadkaasi ayaa dhamayd 1 Milyan iyo 8 boqol 5 boqol iyo 11 dollar, isla markaana wixii lacago ahaa ee soo gaadhay dhamaanteedba ay ku jirto Akaawnka guddiga taakulaynta suuqa Waaheen ee magaaladda Hargaysa.

Waxaanu yidhi, “Intii lagu jiray taakuladda iyo gurmadka suuqa Waaheen, waxaa na soo gaadhay lacag dhan $16 lix iyo toban Milyan, sagaal boqol iyo shan iyo konton kun, iyo laba dollar.

Laba todobaad ka hor, dawladu waxay bixisay cawad celintii dadkii nuglaa, ee suuqa Waaheen. Dadkaasoo ahaa dadkii aanu qiimaynta ku qaadanay in ay yihiin, $5000 oo dollar iyo wixii ka yar.

Dadkaasi wejigii hore madaxweynaha ayaa bilaabay, kuwii kalena waxaa loo mariyay lacagta telefoonadoodda, baanka dhexena fududeeyay arrintaasi. Lacagtaasi oo sidaan hore u shaacinay ahayd 1 Milyan iyo 8 boqol 5 boqol iyo 11 dollar ahaa. Intii kale oo dhan Akaawnka ayay ku jirtaa. 15 milyan iyo 95 kun oo dollar ayaa ku jira”.

Geesta kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somalilad Muuse Ibraahim Selef, ayaa ka warbixiyay meelaha kale ee kharashku kaga baxay ee ku saabsanaa suuqyadda ku-meel-gaadhka ah ee loo rarray dadka ganacsatadda yar yar ah.

Suuqyadaasi oo ilaa afar suuq ah waxaa ka mid ah suuqa laga sameeyay Xero-qaadkii Hargaysa, Beerta Xoriyadda Hargaysa, Dayrka ku xigga hudheelka Hadhwanaag ee ku yaalla Biriijka weynee Hargaysa, iyo suuqa laga sameeyay Inji.

“Waxaa intaa dheer kharashaadka baxay, ee ku saabsanaa suuqyadda ku-meel-gaadhka ah, oo ilaa afar suuq ah, oo ay ka mid tahay, Xero-qaadka, Beerta Xoriyadda, Dayrka ku xigga hudheelka Hadhwanaag, iyo Inji. Afatraa meelood oo iyagna uu ku baxay kharashkii, ay dawladda hoose ee Hargaysa ku soo qiimaysay. Waxa kaloo isna jira kharash kaloo ku baxay nadiifintii suuqa Waaheen ee gubtay, oo laga rarray Qashin aad iyo aad u badan, oo ku dhaw 15000 oo Ceno-truck, oo isugu jiray iskaraab, iyo xashiish, iyo waxyaabo gubtay.

Kaana kharashkiisii guddigu dabooshay, oo uu isna ka mid yahay kharashaadka baxay, waxaa isna ka xidhistii suuqa Waaheen ee gubtay, oo la xidhay 11 Waddo, oo suuqaasi soo geli jiray, in ay maanta ka shaqaynayaan 2 Waddo oo keliya”ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka ganacsigu.

Dhinaca kale Muuse Ibraahim Selef, waxa uu ka hadlay dawladaha, haayadaha, shirkadaha iyo meelaha kala duwan ee ay lacagaha gurmadka suuqa Waaheen ka soo kala gaadheen. Waxaanu yidhi, “Deeqahaasi meelaha ay naga soo kala gaadheen waxaa ugu horaysa, 1 Milyan ee ugu horeeyay ee madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ku deeqay, gurmadka iyo taakuladda suuqa Waaheen.

1 Milyan oo dawladda Jabuuti ay ku soo deeqday, iyo 5 boqol iyo 79 kun iyo kun iyo shan boqol oo ay ka daba keentay. 1 Milyan oo dawladda Soomaaliya innaga soo gaadhay, iyo 11 Milyan iyo 700, oo kun oo dollar, oo lacagtii World Banka, ee Somaliland lahayd ah.

Waxa kaloo iyagna jira haayado dawladeed, oo qaadhaan lacageed ku soo deeqay oo ay ka mid yihiin, ciidamadda qaranka Somaliland, oo mushaharaadkoodda ka soo jaray lacag ku dhaw 46 kun, 7 boqol iyo 53 dollar. Waxaa iygan ka mid ah ciidamadda booliska, ciidamadda Asluubta, ciidamadda Laanta Socdaalka, iyo ciidamadda Ilaaladda madaxtooyadda Somaliland”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kaloo jira, dawladaha hoose ee dalka oo iyaguna gurmad weyn keenay, oo lacagihiina soo shubay, oo ku deeqay lacag dhan 1 Milyan iyo 5 boqol oo kun oo dollar, oo ay ka soo gooyeen kabkoodda.

Waxaa iyagna ka mid ah wasaaradda Shaqo Gelinta iyo Arrimaha bulshadda Somaliland oo Iyana gurmadka dhaqaale ee ay keentay uu yahay, 246 Milyan, oo shillinka Somaliland ah.

Dad kaloo reer Somaliland ah, waxa kaloo ka mid ah Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, wasaaradda gaadiidka iyo Jidadka, oo qadhaan dhan $20,000 oo dollar shalay (doraad) nagu wareejiyay”.

 

 

Leave a Reply