Hay’adda U-diyaargarowga Aafooyinka oo raashin ku qeybiyey Sool & Saaxil

0
258

Kala-baydh (Dawan)- Hay’adda U-Diyaar-garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ee (Nadfor) ayaa shalay deegaano kala duwan oo ka tirsan Goboladda Sool & Saaxil ku qeybiyey raashin gargaar abaaraha ah.

Masuuliyiin ka socday hay’adda NADFOR oo raashin kala duwan oo ah deeqdii dawladda Sucuudigu dhowaan dalka keentay qeybisay ayaa deegaanada gobolka Sool ee Kalabaydh, Dabataag, Balihadhac iyo Geed-dheer gaadhsiiyey deeq raashin ah.

Deeqda shalay hay’adda NADFOR qeybisay oo ay bixisay Hay’adda gargaarka ee Boqor Salmaan ayaa oo u goob-joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sool

Dhinaca kale, Hay’adda U- Diyaar-garowga Aafooyinka & Keydka Raashinka Qaranka ayaa deeq raashina gaadhsiiyey  deegaano ka tirsan Gobalka Saaxil.

Deeqda NAFDOR gaadhsiisay qoysas dhan 1090, oo deegaaanada gobolka Saaxil ah, ay soo bixisay dawladda Sucuudigu.

Deegaanadda raashinka la gaadhsiiyey oo kala ah :-

Bahalay : 50 qoys. Laas xiig: 50.Dhuumood: 50.Ceel Daanyeer: 40

Dhibijo: 120.Boodaale: 50.Qabile: 50.Bildhaaley: 80.Afcad: 50

Geed Libaax : 150.Bureeqa: 80.Sooguurto: 30.Beeyo dhaadheer: 120

Ceel Lahelay: 100

 

Leave a Reply