Madaxweynaha Somaliland oo war cusub kasoo saaray khilaaf soo kala dhex’galay guddida doorashooyinka

0
273

Hargeysa (Dawan)  – Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay wareegtooyin iska hor imanaya oo shalay kasoo baxay guddida doorashooyinka, ayaa ugu baaqay in ay khilaaf kooda ku dhamaystaan sharciga.

Wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi uu 27 Abriil kulan la qaatay xubnaha guddida doorashooyinka isla markaana, uu ugu baaqayo in ay xalinta khilaafkooda ku dhamaystaan sharciga.

Baaqa madaxweynaha ayaa yimid kadib markii 27 Abriil, ay soo baxday wareegto sheegaysa in guddoomiyaha guddida Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), xilkii lagaga  qaaday cod gacan taag ah oo xubanaha guddidu qaadeen, isla markaana guddoomiye loo doortay Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, intaa kadibna uu guddoomiye Riyo-raac soo saaray qoraal uu ku beeninayo xil ka qaadistiisa.

Hadaba qoraalada is burinaya ee kasoo baxay xafiiska guddida doorashooyinka, ayaa daaha ka qaaday khilaaf ka dhexeeya xubnaha guddida, oo ku aadan cidda hogaaminaysa.

 

Leave a Reply