Taiwan oo ka Qayb-qaadanaysa Masiibadii Suuqa Waaheen

0
418

Taiwan waxay kala shaqayn doontaa dalalka ay isku fikirka yihiin in Somaliland si wada jira looga caawiyo dib-u-dhiska suuqa waaheen…”

 “Taiwan waxay ku deeqaysaa gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah

Taipei (Dawan)- Dawladda Taiwan, ayaa ballan-qaadday inay lacag dhan US $ 500,000 ugu deeqday dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, si wax loogu qabto dadkii ku waxyeeloobay dabkii xoogganaa ee ka kacay suuqa weyn ee Waaheen horraantii bishan, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi (MOFA).

Sida ay baahisay warbaahinta laga leedayay dalka Taiwan ee FOCUSTAIWAN, Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan (MOFA) Joanne Ou ayaa sheegtay in ay kaalin laxaad leh ka geysan doonaan gurmadka masiibadii dabkii halakeeyay suuqa weyn ee Waaheen, waxaanay ballan qaaday in ay ku deeqi doonto gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah.

Warbxintan oo lagu baahiyay warbaahinta FOCUSTAIWAN, ayaa u dhignayd iyada oo dhammaystiran sidan “Dab xooggan ayaa 1-dii bishan April ka kacay suuqa Waaheen oo ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga iyo dhaqaalaha Somaliland, iyada oo saamaynta dhaqaale dabkaasi geystay lagu qiyaasay 2 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, taasoo u dhiganta 60% wax-soo-saarka guud ee qaranka, sida ay baahisay Al-jazeera.

Dabka ayaa si ba’an u saameeyay nolosha kumannaan qof, wasaaradda arrimaha dibadda dalka Taiwan (MOFA) ayaa ballan qaaday in ay ku deeqi doonto gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah, sida ay sheegtay afhayeenka MOFA Joanne Ou.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka mahadcelisay deeqdan, waxaanay sheegtay inay qabanqaabin doonto munaasibad dadweyne oo si rasmi ah loogu wareejinayo lacagtaas, sida uu sheegay afhayeenka MOFA Joanne Ou.

Waxa kale oo ay dawladda Taiwan kala shaqayn doontaa dalalka kale ee ay isku fikirka yihiin in ay si wada jir ah Somaliland uga caawiyaan dib u dhiska iyo mustaqbalka suuqa Waaheen, ayay tidhi afhayeenka MOFA Joanne Ou.

Sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland, waxa burburay guud ahaan 1,000 dukaan iyo 4,200 oo meheradood iyo miisas ku yaallay suuqaas, waxaana waxyeello soo gaadhay dad ka badan 17,000 oo qof oo si toos ah ugu tiirsanaa suuqa.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii ka dib sannado badan oo colaado ah. Waxa ay xafiisyo ku leedahay ilaa dhawr iyo toban dal, sida lagu sheegay website-ka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Taiwan.

Xidhiidhka u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland ayaa soo hagaagayay sannadihii la soo dhaafay, iyadoo Taipei ay xafiis ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa Aug 17, 2020, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland-na xafiis ka furantay Taipei bishii ku xigtay ee Sebtember 9.

 

 

 

Leave a Reply