Hargeysa (Dawan) Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wejiga labaad ee dhaqaalaha loogu celinayo ganacsatadii hantidooda ku waayey masiibadii dabka ee dhawaan ku habsatay suuqa Waaheen ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu qaybiyey lacag dhan 6,766,418 (Lix Milyan, toddoba boqol iyo lix iyo lixdan kun, Afar boqol iyo siddeed iyo toban) doolar, taasoo loo qoondeeyey ganacsatadii hayntoodu u dhexaysay $5,001 ilaa $480,000 oo dollar.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa guddida heer qaran ee hawshan gacanta ku haysa ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay dedaalka u wadaan, waxana uu ku baaqay in lasii xoojiyo dedaallada qaadhaan ururinta ee gudo iyo dibadba ka socda.
Madaxweyne ku xigeenku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Waxaan aad iyo aad uga mabsuuday anigu dadka intaas le’eg ee la qoray, loona kala qoray meherada qofkasta waxa uu ka shaqeynayay, haddu meherad dhisan ka soo jeeday, hadduu ka soo jeeday mid dawladdu leedahay, haddu ka soo jeeday mid gaar loo leeyahay, haddi uu bacad yaal ahaa oo uu bannaan joogay.
Qaybtan manta la siinayo ee kun iyo lix iyo tobanka qofa, waxa laga siinaya waa wax aad u kooban, wixii ka gubtay, halkaana lagu daynmaayo haddii ILLAAHEY yidhaahdo, sida ay wax inoogu yimaadaan ayay ku xidhnaan doonta, in mar labaad wax la siin doono haddii ILLAAHEY yidhaahdo, isla markaana dib loo caawin doono.
Suuqiina waa uu ina sugaya isna rajjo fiican ayaanu ka qabnaa, oo intii uu qaadi jiray saddex laabkeed qaada haddii ILLAAHEY yidhaahdo,”