Ninka ugu Taajirsan UK ee Sir Jim Ratcliff oo £4 Bilyan Dul-dhigay Chelsea

0
488

Sir Jim Ratcliff oo ka mid ah maalqabeennada ugu taajirsan guud ahaan UK ayaa dalab weyn oo £4 bilyan oo Gini ah ka gudbiyey kooxda kubadda cagta Chelsea oo uu doonayo inuu iibsado, waxaana uu hadda qarka u saaran yahay, in maalqabeenkani uu noqdo mulkiilaha kooxda reer London.

Chelsea ayay tujaar badani danaynayeen, waxaase markii ugu dambaysay iskugu soo hadhay saddex maalqabeen oo u badan Maraykankan, hase yeeshee Ratcliffe ayaa si lama filaan ah uu magaciisu usoo galay maanta markii uu gudbiyey dalab weyn oo uu ku muquuninayo raggii hore ugu dhowaa iibka kooxda.

Roman Abramovich ayaa la rumaysan yahay in uu doonayo, in uu kooxda ku iibiyo lacag gaadhaysa £2.5 bilyan oo Gini, laakiin Ratcliffe ayaa si uu shaqsiyaadka kale ee danaynaya meesha uga saaro waxa uu si weyn sare ugu qaaday lalcagtaas.

Sir Jim Ratcliff oo ay da’diisu tahay 69 jir, isla markaana taageere u ah Manchester United ayaa shalay la hadlay guddoomiyaha Chelsea ee Bruce Buck, ka hor intii aanu gudbin dalabka uu kooxda ku iibsanayo.

Waxa kale oo uu Ratcliff doonayaa inuu dibu dhis ku sameeyo garoonka kooxda oo uu gebi ahaanba burburinayo, waxaanu u diyaariyey lacag gaadhaysa £1.75 bilyan oo Gini, inkasta oo la sheegayo, in lacagtani ay ku jirto £4ta bilyan ee uu la shir-tegay oo uu doonayo inuu £2.35 bilyan u shubo Roman Abramovich inta kalena uu garoonka ku dhiso.

Ratcliffe oo la hadlay wargeyska The Times ayaa yidhi: “Saaka ayaanu dalabkan gudbinay. Waxa aanu nahay kuwa kaliya ee reer Britain ah ee dalbaday inay iibsadaan Chelsea. Waxa aanu doonaynaa in aanu isku dayno in aanu abuurno koox reer London ah oo aad u fiican.

“Faa’iido doon ma nihin sababtoo ah, haddii aanu faa’iido doonayno waxa jira waxyaabo kale oo aanu lacagtayada ku isticmaali lahayn.”

Leave a Reply