39-ka Ciyaartoy ee Da’doodu ka Hoosayso 21 Jirka ee ugu Fiican Dunida oo lasoo Xulay

0
424

Qiimayn cusub oo la sameeyey ayaa waxa lagu shaaciyey xiddigaha ay da’doodu tahay 21 jir ama ka yar ee ugu wanaagsan waqtigan dunida kubadda cagta, waxaana kaalinta koowaad ku jira oo hoggaaminaya weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland, kaas oo booska koowaad ka cidhiidhsaday Pedri oo khadka dhexe ee Barcelona ah iyo Phil Foden oo ah xiddigaha dardarta cusub kusoo kordhiyey Manchester City.

Gool-dhaliyaha Borussia Dortmund ee Haaland ayaa sii wata bandhig ciyaareedkiisa cajiibka ah iyo gool-dhalintiisa aan joogsiga lahayn, waxaana 27 ciyaarood oo horyaalka Bundesliga ah oo uu saftay uu dhaliyey 25 gool, taas oo keentay in kooxaha waaweyn ee Yurub ay ku dagaallamaan.

Haaland ayaa la filayaa inuu xagaagan ku biiri doono Manchester City oo la sheegay inay ka dhigayso ciyaaartoyga ugu mushaharka badan Premier League marka heshiiskiisa la dhamaystiro.

Kaalinta labaad ayuu soo galay xiddiga da’da yar ee khadka dhexe uga  ciyaara Barcelona ee Pedri oo mar horeba boos joogto ah ka helay Barcelona iyo xulka Spain iyadoo ay da’diisu tahay 21 jir.

Pedri ayaa ka mid ah xiddigaha wanaagsanaa khadka dhexe xilli ciyaareedkii hore isaga oo noqday laacibka ugu safashada badan leh, laakiin xilli ciyaareedkan ayay ragaadiyeen dhaawacyo.

Foden oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Manchester City ayaa isaguna mar horeba koobab waaweyn la qaaday Citizens sidoo kalena ka mid noqday ciyaartoyda ugu muhiimsan ee uu haysto Pep Guardiola.

21 jirkan ayaa City la qaaday saddex horyaal oo Premier League ah, afar League Cup iyo FA Cup, waxaana uu sannadkan raadinayaa inuu la qaado Champions League oo ay semi-finalka ku kala baxayaan Real Madrid.

Bukayo Saka, Vinicius Junior, Gavi iyo Florian Wirtz ayaa iyaguna soo galay tobanka sare ee ugu fiican dunida.

Qiimayntan oo ay samaysay warbaahinta Maraykanka ee ESPN ayaa waxay taabanaysaa 17 waddan oo kala duwan oo ah kuwa ugu fiican kubadda cagta iyo 10 horyaal oo kala duwan.

Waa kuwan 39ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan kubadda cagta ee ay da’doodu ka hoosayso 21 jirka.

  1. Callum Hudson-Odoi – (Chelsea)
  2. Tino Livramento – (Southampton)
  3. Sergino Dest – (Barcelona)
  4. Jeremy Doku – (Rennes)
  5. Fabio Vieira – (Porto)
  6. Brenden Aaronson – (FC Salzburg)
  7. Eric Garcia – (Barcelona)
  8. Piero Hincapie – (Bayern Leverkusen)
  9. Marc Guehi – (Crystal Palace)
  10. Jacob Ramsey – (Aston Villa)
  11. Karim Adeyemi – (Salzburg)
  12. William Saliba – (Marseille, ayaa amaah kaga soo qaadatay Arsenal)
  13. Ilya Zabarnyi – (Dynamo Kyiv)
  14. Hugo Ekitike – (Reims)
  15. Pierre Kalulu – (AC Milan)
  16. Nico Gonzalez – (Barcelona)
  17. Charles De Ketelaere – (Club Brugge)
  18. Josko Gvardiol – (RB Leipzig)
  19. Giovanni Reyna – (Borussia Dortmund)
  20. Dominik Szoboszlai – (RB Leipzig)
  21. Gabriel Martinell – (Arsenal)
  22. Nuno Mendes – (Paris Saint-Germain, amaah ayuu ugaga yimid Sporting CP)
  23. Emile Smith Rowe – (Arsenal)
  24. Yeremi Pino – (Villarreal)
  25. Sandro Tonali – (AC Milan)
  26. Rodrygo – (Real Madrid)
  27. Ryan Gravenberch – (Ajax)
  28. Jurrien Timber – (Ajax)
  29. Eduardo Camavinga – (Real Madrid)
  30. Gavi – Central midfielder (Barcelona)
  31. Alphonso Davies – Left-back (Bayern Munich)
  32. Florian Wirtz – Attacking midfielder (Bayer Leverkusen)
  33. Jamal Musiala – Winger (Bayern Munich)
  34. Bukayo Saka – Winger (Arsenal)
  35. Vinicius Junior – Winger (Real Madrid)
  36. Jude Bellingham – Central Midfielder (Borussia Dortmund)
  37. Phil Foden – Attacking midfielder (Manchester City)
  38. Pedri – Central midfielder (Barcelona)
  39. Erling Haaland – Striker (Borussia Dortmund)

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply