Arsenal oo Lagu Garaacay Saxeexa Xiddig uu Muddo Raadinayay Mikel Arteta

0
333

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la kulantay jug weyn, waxaana lagaga adkaaday saxeexa xiddig uu muddo ku raad-joogay tababare Mikel Arteta oo uu doonayay inuu kusoo kordhiyo safkiisa.

Arsenal ayaa isku dayday inay kooxda kubadda cagta Ajax kala soo saxeexato difaaca midig ee Noussair Mazraoui si uu beddel ugu noqdo Takehiro Tomiyasu amaba uu booskiisa ugula tartamo, hase yeeshee laacibkan ayaa tijaabada caafimaadka u maray Bayern Munich oo uu ku biiri doono xagaagan.

Tababaraha Bayern Munich ee Julian Nagelsmann iyo Guddoomiyaha kooxda Oliver Kahn ayaa usbuuciyadii ugu dambeeyey wada-hadallo kula jiray Mazraoui waxaanay ku qanciyeen inuu qalinka ku duugo heshiis uu kaga mid noqonayo kooxda tobanka jeer ee  isku xiga ku guuleysatay hroyaalka Bundesliga.

24 jirkan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka gudbay tijaabada caafimaadka oo uu u maray Bayern Munich, kaliyana ay dhinacyadu sugayaan inta uu xilli ciyaareedku dhamaanayo si ay heshiiska u shaaciyaan.

Wargeyska Bild ee kasoo baxa Jarmalka ayaa xaqiijiyey, in Mazraoui uu baadhitaanka ka gudbay oo wax walba ay isla meel dhigeen Bayern Munich, isla markaana la isla go’aamiyey mushaharkiisa iyo tirada sannadaha uu ka ciyaarayo Allianz Arena.

Maalmaha soo socda ayaa la sheegay in Bayern Munich ay si hordhac ah ugu sii dhawaaqi doonto saxeexa Mazraoui oo bishii January sii sheegay, in ay suurtogal tahay inuu ka tago Ajax haddii uu Erik ten Hag kooxda ka baxo.

Heshiiska Bayern Munich ay la gaadhay xiddiga reer Morocco ayaa waxa uu soo afjarayaa rajadii Arsenal iyo sidoo kale Barcelona oo muddo dheer ku taamaysay sidii ay u heli lahayd oo iyagana ay arrintani jug weyyn ku tahay.

Mazraoui ayaa xilli ciyaareedkan u saftay Ajax 33 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaanu dhaliyey shan gool iyo afar uu caawiyey isaga oo waliba ka ciyaaraya difaaca midig.

Leave a Reply