City oo Burburinaysa Qorshihii Erik ten Hag ee United & Xiddigii Riyada Dibu-dhiska Old Trafford oo Soo Galay Liiska Guardiola

0
214

Pep Guardiola ayaa calaamadsaday saddex ciyaartoy oo cusub oo midkood uu waqti horeba gacanta ku dhigay, midna kaliya shaacinta heshiiskiisu hadhsan tahay oo uu doonayo inuu ku firfircoonaysiiyo kooxdiisa Manchester City, si ay xilli ciyaareedka dambe ugu guuleysan karaan tartanka Champions League.

Kaddib niyad-jabkii ay ka qaadeen guul-darradii Real Madrid oo usbuucan ku garaacday semi-finalka Champions League, Pep Guardiola ayaa ugu dambayntii dhisaya koox uu rumaysan yahay inay ku guuleysan doonto koobka akaliya ee ay kooxdan ka dhiman ee aanay waligeed ku guuleysan.

Man City ayaa bishii January waxay iibsatay weeraryahanka reer Argentina ee Julian Alvarez oo £14 milyan oo Gini ay kasoo qaadatay River Plate, taas oo ay amaah ahaan u siisay illaa inta uu xilli ciyaareedku dhamaanayo.

Waxa kale oo Man City la sheegay inay ku guuleysatay tartanka loogu jiro weeraryahanka reer Norway ee Erling Haalnad oo saxeexiisa ay kaga adkaatay kooxo badan oo ay ku jirto Real Madrid, isla markaana shaacinta heshiiskiisa oo kali ahi hadhsan tahay.

21 jirkan gool-dhaliyaha ah ayay Man City bixinaysaa lacagta lagu burburinayo qandaraaskiisa Borussia Dortmund oo ay la socdaan lacago kale oo badan.

Pep Guardiola ayaa sidoo kale doonaya inuu dhiso khadka dhexe oo uu ka baxayo Fernandinho oo 37 jir ah, dibna ugu laabanaya Brazil kaddib sagaal sannadood oo uu ka ciyaarayay Etihad Stadium.

Declan Rice ayaa hore u ahaa ciyaartoyda uu Guardiola  isha ku hayay, hase yeeshee West Ham ayaa dalbatay £150 milyan oo Gini, taas oo ku qasabtay Man City inay meel kale ka raadsato kubbad-sameeye wanaagsan.

Guardiola ayaa la sheegay inuu hadda u xidh-xidhanayo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Frenkie de Jong oo la rumaysan yahay inay kooxda  reer Catalonia iibinayso xagaagan, kaas oo ugu yaraan kala-badh ka hoosayn doona qiimaha Declan Rice.

De Jong ayaa hore loola xidhiidhinayay Manchester United oo la sheegay in tababare Erik ten Hag uu bino ama sees uga dhigayo dib u dhiska Red Devils, hase yeeshee Guardiola oo aad ula dhacsan laacibkan oo leh falsafadda ciyaareed ee kubbad isku-dhiibka ee uu hal-abuurradeeda ka  mid  yahay, in uu keeno Man City.

Ciyaartoyda sida Raheem Sterling, Gabriel Jesus, Riyad Mahrez iyo Ilkay Gundogan ayaa heshiisyadooda Man City ay min hal sano oo kali ahi ka hadhsan yihiin, waxaana la filayaa in iyagana go’aamo laga gaadho kuwooda ka gaws-adayga inay qandaraaska kordhiyaan.

Leave a Reply