Guuleystaha Lama Filaanka ah ee Xiddigii Toddobaadka Champions League oo Lagu Dhawaaqay

0
366

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay guuleystaha rasmiga ah ee toddobaadkan loo aqoonsaday midkii ugu fiicnaa Champions League oo xamaasadiisa watay.

Waxa lagu soo kala baxay wareega afar dhammaadka Champions League, Liverpool ayaa wadar ahaan 5-2 kaga soo gudubtay Villarreal halka ay Real Madrid isku geyn 6-5 kaga soo adkaatay Manchester City.

Tartamayaasha xiddiga toddobaadka ee Champions League ayaa kala ahaa garabka Liverpool ee Luis Diaz, khadka dhexe ee Villarreal ee Coquelin, goolhayaha Real Madrid ee Thibaut Courtois iyo khadka dhexe ee Man City ee Bernardo Silva.

Guuleystaha ayaa noqday goolhayaha Los Blancos ee Courtois oo kasoo hormaray dhammaan xiddigahaas goolasha soo dhaliyay amaba soo caawiyay kaddib badbaadino cajiib ah oo uu goolal cadaan ah kaga beeniyay Man City.

Leave a Reply