Salah oo ka Hadlay Rejadiisa ku Guuleysa Abaal-marinta Kubadda Dahabka

0
476

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda koowaad ee Liverpool, Mohamed Salah, ayaa aaminsan inuu fursad weyn u heysto inuu ku guuleysto abaalmarinta kubbadda dahabka ee 2022, taasoo ka duwan sidii dhacday xilli ciyaareedkii 2017/2018.

Mohamed Salah ayaa xiliciyaareed wanaagsan la qaadanaya kooxda Liverpool, iyadoo tirada goolashii uu dhaliyay ay gaareen 30 gool tartamada kala duwan, waxaana uu ka mid yahay liiska magacyada u sharaxan abaal marinta Ballon d’Or.

Fircoonkan reer Masar ayaa ka hadlay fursada uu ku heli karo kubbada dahabka ah xili uu waraysi siinayay Sky Sports wuxuuna yidhi: “2018, waxa aan lumiyay abaal marintan sababtoo ah waxaan dhaliyay 40 gool laakiin Liverpool wax koobab ah kuma guulaysan”.

“Laakin sanadkan wuu ka duwan yahay, rikoorka gooldhalintaydu waa mid wanaagsan, waxaana ku guuleysanay koobab, hadii aan ku guuleysano labada koob ee soo socda, waxaa xiiso leh inaan aragno cidda ku guuleysan doonta dhamaadka sanadkan”.

Waxaa xusid mudan in Mohamed Salah uu kaalinta saddexaad ka galay qiimaynta abaal marinta ugu fiican ee “The Best” oo ay bixiso xiriirka caalamiga ah ee kubbadda cagta “FIFA” sanadka 2021-ka.

Leave a Reply