Pogba oo Dhabarka u Jeediyey Man City, Kana Farxiyey Laba Kooxood oo Kale

0
537

Man City ayaa doonaysay in ay kusii hayso horyaalka Premier League, hase yeeshee waxa lagu soo warramayaa in uu qorshihiisu yahay inuu dibedda uga baxo Ingiriiska oo uu ku laabto kooxdiisii hore ee Juventus, halkaas oo ay ciyaartiisu ku qaan-gaadhay.

Xiddigan ay dhaawacyadu ragaadiyeen xilli ciyaareedkan ayaa rajaynaya inuu ciyaari doono kulankiisii ugu dambeeyey ee Red Devils oo laba ciyaarood uga hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

Pogba  ayaa afar sannadood oo uu u ciyaaray Juventus waxay ku leeyihiin xusuusta ugu weyn ee noloshiisa, iyadoo intii u dhaxaysay 2012 illaa 2016 uu ahaa xiddig ka iftiimaya horyaalka Talyaaniga ee Serie A, isaga oo Juventus kula guuleystay afar horyaal, una dhaliyey 34 gool iyo 40 uu caawiye ka noqday 178 ciyaarood oo uu u saftay.

29 jirkan oo uu toddobaaadkii hore geeriyooday wakiilkiisii Mino Raiola ayaan wali shaacin qofka u noqonaya wakiilka, waxaase la filayaa inuu hoos tegi doono Vincenzo Raiola oo uu adeer u ahaa  Mino Raiola.

Warkan cusub ayaa waxa uu meesha ka saarayaa heshiiskii la sheegayay in Manchester City ay la gaadhay Paul Pogba, taas oo ka cadhaysiin lahayd taageereyaasha Manchester United maadaama aanay arki karayn xiddig ka tirsan kooxdooda oo u wareegaya naadiga ay deriska yihiin ee ay xafiiltamaan.

Leave a Reply